Weeraryahanka Naadiga Kubadda Cagta ee Ingiriiska Liverpool Fernando Torres ayaa sheegay in uu sugi la'yahay Kulanka ay kooxdiisa Liverpool layeelan doonto Naadigiisi Hore ee Spain Athletico Madrid taas oo ay isku gruub ka noqdeen eufa champions league.
Tani waxay ii noqon doonto farxad qaas ah waan hubaa in aan ku raaxeysanaayo qibradeeda sidaa waxaa yiray 24 jirka Reer Spain Torres, waxaan rajeynayaa soo dhaweyn wanaagsan oo ay ii sameeyaan Taageerayaasha Athletico Madrid Sababtoo ah Athletico Madrid waxaan u qabtay wax weyn iyada waxey ii qabatay wax weyn.
Marki ay ciyaarta bilaabato Taageerayshana wuxuu qalbigooda noqonaa aniga oo dib ugu soo laabtay oo kale mana hilmaami doono waxa ay ii qabatay Athlatic Madrid.
Aniga waxay ila noqon doontaa Riyo inaan ku cayaaro mar Labaad Garoonka Vicente Calderon Aniga oo ka horjeedo Kooxdeyda iyo Saaxibadeydi Hore.
Hassan Omar Osman
xasanjuungal@hotmail.com Moqdisho Somali
Fernando Torres oo sheegay in uu sugi la'yahay Kulanka Kooxdiisi Hore ee Athletico Madrid...
Weeraryahanka Naadiga Kubadda Cagta ee Ingiriiska Liverpool Fernando Torres ayaa sheegay in uu sugi la'yahay Kulanka ay kooxdiisa Liverpool layeelan doonto Naadigiisi Hore ee Spain Athletico Madrid taas oo ay isku gruub ka noqdeen eufa champions