Maalin maal-maha ka mid ah ayaa isagoo duceysanaya ayaa wuxuu Ilaahay (sw) ka baryay inuu geerida u keeno isaga oo sujuudsan. Eebe weyne wuu ka aqbalay oo waxaa la oofsaday isago oo sujuudsan. Jibril (as) wuxuu yiri Maalinta Qiyaamo Ilaahay (sw) wuxuu amri Malaa’igta inay ninkaasi Jannada ku geeyaan Raxmaddiisa darteeda. Hase yeeshee ninkaasi ayaa dalban doono in Jannada lagu geeyo camalka uu shaqaystay darteed.
Kadib ayuu Ilaahay (sw) amri doonaa Malaa’igta inay is barbar dhigaan camalkiisa iyo nicmooyinkii Ilaahay (sw) ugu deeqay.
Markaas ayaa waxaa cadaan doonto in cibaadadiisii 500 oo sano ahayd aysan xataa u dhigmin nimcada isha wax lagu arko ee la siiyay. Markaas ayaa Malaa’igta la amray inay ninkaasi u ka xeeyaan dhanka naarta. aad iyo aad ayuu ninkii u qeyliyay isagoo Allaah ka dalbaday “Allow Naxariistaada igu geli Janada”.
Dabadeed hadalkaan ayaa dhex maray Allaah iyo addoonkii.
Eebe Weyne: Adoonkeygiyow yaa ku abuuray?
Adoonkii: Eebe Weynow adaa i abuuray.
Eebe Weyne: Ma waxaa laguu abuuray camalkaada wanaagsan dartiisa mise Raxmadayda darteed?
Adoonkii: Raxmadaada darteed Eebe Weynow.
Eebe Weyne: Yaa ku siiyay 500 00 sano ood Ilaahay (sw) ku caabudo?
Adoonkii: Eebe Weynow adigaa ayaa awoodaas i siiyay.
Eebe Weyne: Yaa ku kor-geeyay buurtii badda ku wareegsaneyd? Yaa kuu suura galiyay in il biyo macaan ah oo soo dhex maraan baddaas oo aad ka cabto? Yaa ku siiyay geed Rumaan ah oo buurta kaaga kor baxo? Yaa ku oofsaday adiga oo sujuudsan kaana aqbalay ducadaadii?
Adoonkii: Ya Razzaq, Eebe Weynow waa adiga.
Eebe Weyne: Hadaba waxan oo dhan waxay ku dhaceen naxariistayda darteed maantana waxaad Jannada ku gali naxariistayda darteed oo kaliya.
Fiiro: Ilaahay (sw) naxariistiisa iyo galadaha uu na siiyay ayaa marwalbo ka badan wax walbo oo kale. Xaq aan ku leenahay markaan waajibaadkiisa gudannana ma jirto maadaamo inta uu na siiyay oo ka mid yihiin adimaha aan cibaadada ku gudanayno uu isaga na siiyay.
Xasan Cadde
xigasho www.dhacdo.com
Qiso Layaab Leh oo dhex martay Alle iyo addoon cibaado badnaa (Qiso faa’iido leh)
Jibril (calayhi-as-Salam) ayaa Nabiga (NNKH) u sheegay qiso cajiib ah. Jibril wuxuu yiri waxaa jiray nin Ilaahay (sw) caabudayay 500 oo sano oo isku xigta. Wuxuu ku noolaa buur korkeeda, buurtaasna waxaa hareereeyay bad weyn oo dhanaan ah, hase ahaat