Banaanbixi Ugu balaarnaa ebed oo loo sameeyo maalinta uu dhashay Suubanaha SWC kaasi oo ka dhacay Magaalada Nairobi oo hore u aheed Magaalo si weyn ay ugu badan yihiin muslimiinta ay ku dambeeso Maxabada Nabiga CSW.
Banaanbaxaani oo ahaa mid hore loo sii qorsheeyay gudi gaar ahna loo xilsaaay habsami usocodkiisa ayaa bulshada reer Nairobi gaar ahaan Shacbiga muslimiinta ee halkaa ku nool ayaanu ukala harin muujinta maalinta uu dhashay Suubanaheeda NNKH taasi oo si aan hore loo arag uga dhacday wadooyinka iyo xaafadaha Magaalada Nairobi.
Dabaal dega ay muujinayaan maalintaan weyn muslimiinta reer Kenya ayaa waxa ay dharbaaxo kulul unoqotay Gaalada kunool wadanka kenya oo la yaabay maxabada dadka musliminta iyadoo sidoo kalena ay ayaan daro aheed in xaafadaha qaar ay joogeen dad sheeganayo muslim balse laga masaxay naxariista jaceelka maxabada rasuulkeena Muxamad CSW ilaah ayaan ka magan galnay kuwa sifooyinkaan la yimaada.
waxyaabihii fantasyadaas kadhex muuqday ayaa waxaa ka mid ahaa geel, fardo, baabuur isugu jirtay kuwo waawey iyo kuwo yaryar waxaa kale oo halkaas lagu soo bandhigay dhalnyaro aad uda,yar oo ay ka muuqatay astaamaaha islaamka iyagoo gacmaha ku sitay calamo ay ku qoranyihiin amaanta Nabigeena Muxamada(csw)
waxa ayna markii danbe dadku isugu soo aruureen barxada weyn ee iskuulka New Eastleigh Primary School' halkaas oo Khudbado kala duwan dadka looga soo kalajeediyay aadna dadka loogu wacyi galiyay. Culumadii halkaas ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa
1 sheukh cusmaan xidig.
2 shariif cabdullahi shariif.
3 sheikh xasan qoryooley.
4 Sheekh Da'ud SHeekh Muxumed
5 sheikh xasan madobe.
6 Sheekh Cumar Sheekh Muxumed
7 sheikh khaalid macalin nuur.
8 Sheekh Muxidiin Laashi
9 sheikh shardi mire.
10 sheikh mustafa c/laahi bulxan.
11 sheikh sahal .
12 shariif cali shariif
13)Sheekh Abuukar Sh: Ax'ed yare iyo
culumaa udiin kale oo aan halkaan lagu soo koobikarin oo aad u farabadnaa .
Culimu'udiinka halkaan isugu yimid ayaa waxa ay muslimiinti ka qeyb qaadaneesay Banaanbaxaani oo qowmiyado ahaan kala gedisana waa ay ku gaarsiiyeen wacdigooda Luqdaha Carabiga, ingiriiska, Sawaaxiliga iyo Luqadeena Afka Soomaaliga
Banaanbaxaani ayaa sidoo kale waa si weyn uga muuqday nuuc walbo oo aadanaha adeegsado gaar ahaan Geelka iyo Fardaha kuwaasi oo si gaar ah loogu soo xarnay ubaxyo iyo astaamo muujinayo ama lagu weyneenayo maalintaan qadarinta iyo sharafka badan .
Hadaba waa bahdi shabakada Warsheekh Oo Markale Idin Leh Dhamaanteen alaah nagu kulmiyo Munaasabaha Nuucaan oo kale ilaahna ha inaga dhigo kuwii ajir iyo Xasanaad ka hela Aamiin
W/D: C/raxman Sheekh C/llaahi
Farxad95@hotmail.com
Dhanka Sawirada Waxa Inaga Saaciday
xuseen xaaji faarax (carafaat)
xuseenxaaji0@hotmail.com
Sidee Looga Xusay Maalinta uu Dhashay Suubanaha Magaalada Nairobi (Daawo Sawiro)