Wafdi ka socota Xukuumada Puntland ayaa tagey Magaaladaasi Eyl, waxaana la sheegayaa in ay la kulmeen Odayaasha dhaqanka & Ururada Bulshada rayidka ah oo ay kala hadleen sidii markabkaasi loo ogaan lahaa.
Wasiirka Macdanta oo hogaaminaya Wafdigan ayaa lasheegay in ay sidoo kale qorshaha ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa xaalada Markabkaasi.
Hadii uu hub wado markabkaan waxaa cadaan ah in aysan ka gudbeyn Biyaha Soomaaliya, ayadoo la rumeysan yahay in ay leeyihiin Hubkan kooxaha Mucaaradkaa ee dalka Soomaaliya & dawladda Asmara.
Markabkan ayaa la sheegayaa in laga soo qabtay Biyaha gacanka Cadmeed, waxaana soo qabtay Burcad Badeeda Soomaaliyeed waxa ayna hada keeneen degmada Eyl oo ka mid ah deegaanada lageeyo Maraakiibta lasoo afduubo.
Mamulka Puntland oo ku raad jooga Markab lagu heesto Xeebta Eyl kaa oowada hub kala duwan
Maamul Goboleedka Puntland ayaa baaritaano ku haya Markab laga leeyahay dalka Iiraan oo lugu heysto Xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan degmada Eyl waxaana la sheegayaa in uu Markabkaasi wada Hub.