Kaba-kudukadi oo baqin ka muujiyay Weerar kaga yimaad Dowlada Maraykanka

0
Friday March 19, 2010 - 16:47:54 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaba-kudukadi oo baqin ka muujiyay Weerar kaga yimaad Dowlada Maraykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka ururka Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud Yuusuf Kabakudukade iyo saraakiil ka tirsan ururkaas oo booqday degmada Ceelbuur, iyagoo kulamo la yeeshay waxgaradka iyo ganacsatada degaanka, hase yeeshee kulanka dhex maray labada dhinac ayaa la sheegay in looga hadlay arrimo dan u ah dadka Ceelbuur degan, waana markii ugu horeysay oo ururka Al-Shabaab shaaciyo kulamo uu la yeelanayo degaanada ay inta badan xoogga ku qabsadaan.

Kaddib markii uu soo gabagaboobay kulanka Al-Shabaab iyo dadka degmada Ceelbuur waxaa halkaasi khudbad ka jeediyay Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Yuusuf Ciise Axmed (Kabakutukade) uu sheegay in dadka degaanka ay ka qeyb qaataan dib u dhiska xarumaha maamulka degmada, isagoo sheegay in ganacsatada degaanka ay ka qeyb qaataan dalabka Al-Shabaab.

“Tahdiidaadka dibadda ma aha inay howlaheena naga hos istaagaan” ayuu yiri wakiilka Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud Yuusuf Ciise Axmed Kabakutukade oo dhinaca kale sheegay in meelaha muhiimka ah oo ay ka mid yihiin xarunta maamulka, saldhigga Booliska, iyo xafiisyada ku yaalla Degmada Ceelbuur in dib loo soo celiyo bilicdii ay lahaayeen xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Dhinaca kale nin ku hadlayay magaca ganacsatada degaanka oo lagu magacaabo Ismaaciil Xuseen ayaa sheegay inay aqbaleen dalabka ururka Al-Shabaab ee ku saabsan in dib loo dayactiro xarumaha maamulka Degmada, wuxuuna intaasi raaciyay inay diyaar ula yihiin maal iyo muruq wixii looga baahdo.

Kulanka Degmada Ceelbuur ay maanta ku yeesheen wafdiga ururka Al-Shabaab oo uu hoggaaminayay wakiilkooda gobolka Galgaduud Kabakutukade ma jirin cid uga hadashay oo ka tirsan odayaasha degaanka, iyadoo halkaasi uu ka jeediyay hadallo hanjabaad ah oo dadka uu ku cabsi gelinayo, taasi oo dadka degaanka ku abuurtay welwel hor leh iyo cabsi ku aadan in dagaallo ka dhacaan degaanadooda mar kale.

Warar hoose oo aanu ka heleyno degmada Ceelbuur ayaa sheegaya in booqashada ururka Al-Shabaab ay la xiriirto sidii ay halkaasi uga sameysan lahaayeen xarun weyn oo laga hoggaamiyo arrimaha ururka ee gobolada dhexe ee dalka, waxaana dhinaca kale dadka degaanka warar laga helayo ay sheegayaan in Al-Shabaab ay ka doonayaan dhallinyaro ka qeyb qaadata dagaallada ka socda dalka, hase yeeshee wararkaasi soo baxaya ayaa sheegaya in dhallinyaradii degaanka intoodii badneyd ay isaga carareen Ceelbuur, iyagoo ka cabsi qaba in waxyeello uga timaado Al-Shabaab.


Hoyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip