John Terry oo sheegay in ay u diyargarobeen Croatia & Wakiilka kaka oo sheegay inuu ku sii...

0
Sunday September 07, 2008 - 19:21:23 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    John Terry oo sheegay in ay u diyargarobeen Croatia & Wakiilka kaka oo sheegay inuu ku sii...

    Kabtanka Xulaka Kubadda Cagta ah ee Ingiriiska iyo Kooxda Chelsea Terry ayaa sheegay in ay ka aarsan doonaan Xulka Croatia Kulanka ay Maalinta Arbacada ah kula yeelan doonaan Wadanka Croatia ee Garoonka Sergeb.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabtanka Xulaka Kubadda Cagta ah ee Ingiriiska iyo Kooxda Chelsea Terry ayaa sheegay in ay ka aarsan doonaan Xulka Croatia Kulanka ay Maalinta Arbacada ah kula yeelan doonaan Wadanka Croatia ee Garoonka Sergeb.
Laba jeer ayey naga badiyeen waxeyna naga reebeen Koobka Kubadda Cagta ee Euro 2008 laakin hada ayaan ka aarsan doonaa sidaa waxaa yiray John Terry.
 
Xulka Kubadda Cagta ah ee Ingiriiska ayaa wato Guul asiga oo leh 3 Dhibcood halka Croatia ay leedahay iyadana 3 Dhibcood balse la arki doonee cida Hogaamisa Groupkaan Fardo leesku haayo leeskuma faanshee.
 
Terry ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in 3 Dhibicood ee Kulankan in uu mar hore Jeebka gashteen ayna noqon doonaan Wadanki ugu horeeyay ee usoo baxo World Cup South Africa 2010.


Wakiilka Ciyaaryahan Kaka ayaa shaaca ka qaaday in uu uwareegayo Man City.
 
Wararka ka imaanayo Wadanka Ingirriska ayaa sheegaya in Ciyaaryahan Kaka uu ku sii jeedo Naadiga Man City sida laga soo xigtay Wakiilkiisa warka ayaa intaas ku daraya hadii ay Kooxda Man City usoo baxdo Is reeb reebka Eufa Champions League in Ciyaaryahan Kaka uu uciyaari doono.
 
Maalmahaan ayey soo baxaayeen Warar sheegaya in Kooxda Man City ay la soo wareegi doonto Bilaha soo socdo marka uu furmo Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda Ciyaartoy Magac kuleh Dunida sida Ronaldo, Kaka, Fabregas iyo Ronaldaha Man Utd iyo Fernado Torres.
 
Milkiilaha Cusub ee Naadiga Man City ahna Wakiilka Shirkad Carbeed ayaa daboolka ka qaaday in uu Naadiga siin doono Aduun dhan 135 Milyuun oo Euro ah si ay u hesho Ciyaartoy magac leh.
 
Real Madrid, Man Utd, Milan, Chelsea, Barcelona, Arsenal iyo Inter waan ka fiicnaan doonaa sanadka danbe sidaa waxaa yiray milkiilaha Naadiga Man City.
 
Hassan Omar Osman
xasanjuungal@hotmail.com
Moqdisho Somalia
 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip