
Madaxa Wararka Shabakadda Dayniile ayaa ku dhawacmay qarax Miino oo maalmo ka hor ka dhacay meel u dhow Hoygii uu ku noolaa xilli uu halkaasi ku sugnaa, qaraxaasi ayaa gaystay Dhimasho 5-ruux iyo dhaawac intaasi ka badan.
Nasrudiin oo ay Cusbitaalka ku booqdeen koox wariyaal ah oo ay isku mihnad yihiin ayaa uga waramay xaaladiisa caafimaad, isagoo sheegay inay xaaladiisu haatan ka soo raynayso, inkastoo ay wariyaha weli suran tahay Turaajo.
“Aad iyo aad ayaan idinkaaga Mahadcelinaayaa Booqashada aad iigu timaadeen, xaaladeyda Cafimaadna way wanaagsan tahay, sidoo kale waxaan mahadcelinaa agaasimaha Cusbitaalka iyo dhamaan Bahda Cafimaadka ee gcanta wayn iga siiyay daweynta naftayda” ayuu yiri asrudiin Caydiid Salaad oo ah Madaxa Wararka Shabakadda Dayniile.
Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala dalka Soomaaliya ayaa waxaa haatan la soo dersay dhibaatooyin waweyn oo curyaamiyay Noloshooda iyo shaqo maalmeedkooda, iyagoo qaar ka mid ah naftooda ay ku wayeen, qaar ay ku dhaawacmeen, kuwana ay dalka isaga carareen, halka qaar kalana ay Cabsi darteed shaqadoodii u joojiyeen.
Madaxa Wararka Shabakadda Dayniile oo haatan xaaladiisa Caafimad Soo Hagaageeso
Nasrudiin Caydiid Salaad (Diini) oo ah Madaxa Wararka Shabakadda Dayniile, ayaa haatan xaaladiisa caafimaad ka soo raynayso, inkastoo oo weli uu ku jiro Cusbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.