Madaxweynaha wadanka Eritrea Isaias Afewerki oo koox wariyaal ah kula hadlay xarunta madaxtooyadda magaalada Asmara yaa waxaa uu sheegay inaysan jirin haba yaraatee in dawladiisu ay far galin ku heyso arrimaha wadanka Somalia.
Madaxweyne Isaias Afewerki waxaa uu sheegay in dawladiisu aysan diyaar u aheyn inay faragaliso arrimaha dalka Somalia waxaana auu sheegay inay been abuur yihiin eedeymaha sheegaya in xukuumadda Asmara ay taageerto xoogaga Islaamiyiinta ah ee Somalia ka dagaalama.
Madaxweynaha ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay inay saanad ciidan siiyeen ururo wadanka Somalia ka dagaalama waxaana uu carabka ku dhuftay inay waxba kama jiraan yihiin inay taageeraan oo ay gacan Military siiyaan xoogaga dagaalada kula jira dawlada KMGS iyo ciidamada midsawga Africa ka jooga Somalia ee AMISOM, asagoona sharci daro ku tilmaamay go’aaankii ay Q,m ku cuna qabateysay dawladiisa.
.
Waxaa uu sidoo kale madaxweynaha Eritrea is ka fogeeyay inuu weerar gar darro ah kiu qaqaday wadanka Jibuuti oo Somalia daris la ah waxaana uu si cad u sheegay in wadamo ku yaala geeska Africa ay ka dambeeyaan qalalaasaha ka jira gobolka gaar ahaan dalka Somalia.
Qaramada Midoobay ayaa horey u cuna qabateysay Eritrea kadib markii lagu eedeyay inay taageero maaliyadeed iyo mid ciidanba siiso xoogaga ka dagaalama Somalia gaar ahaan xarakadda Mujaahidiinta al-Shabab.
Dowlada Eritrea oo iska fogeesay kulug lahaanshaha Qalalaasaha Somaliya