Markaan indha indhayey oo aan kor iyo hoos ufalan qeeyey siyaasadda xubnaha beesha shanaad ee soomaaliyeed waxaa ii soo baxday inay oga jiraan gunta hoose ayna ubaahan yihiin in ay dhowr arimood loo helo xal amase in lahe lo hogaan adag oo la socda arimaha siyaasadda iyo xaaladda iminka lagu jiro walibana beesha waxay usii baahan tahay dad daacad ah oo xaquuqda beesha shanaad usoo dhiciya ummadda soomaaliyeedna iskumid u'ahaadaan oo aaysan iman wax la yaraahdo qof jeclaysi amase qof naceyb.
Beesha waxa ay ubaahan yihiin in ay sameestaan arimahan waana sidatan:
1.In ay midoobaan oo ay a'haadaan mid qura.
2.waxii ay u'arkaan in ay mas laxad ugu jirto ummadda soomaaliyeed in ay ka a'haadaan kaa linta koowaad.
3.In ay sameestaan hogaan siyaasadeed oo daacad u'ah beeshsa.
4.In ay sameestaan afhayeenka beesha shanaad.
si kastaba arinku ha ahaadee haddaan dadku aanu midaysneyn oo hal meel wax uwada wadin waxaa beeshaas ku timaada bur bur iyo is qab qabsi oo aan dhamaad laheyn.
Haddaba Beel weynta shanaad xildhibaanadooda waxa aan way diinayaa xubnihii beesha shanaad ee wasiirada ku la haayeen xukuumadda soomaaliyeed maxaa loo buuxin waayey booskii ay ka tageen wallaalaheen wasiiradii hore maxaa loogu badali waayey wasiiro cusub oo ay yeelato Beelweynta shanaad.
Waxa ay aheyd xildhibaanada matala Beel weynta shanaad in ay arintan mar hore ay meel saaraan oo ay Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha ay kala soo hadlaan sababta keentay in aan wasiiradoodii aysan dowladda umagacaabin xubno kale oo wasiiro ah,arinkan ayaa laga rabaa in ay qabtaan xildhibaanada iyo waxa ay Beelweynta xaquuq ugu leedahay dowladda midnimada qaran.
Waxaan idiin rajeenayaa in aad mid noqotaan ummaddana sinaan iyo caddaalad aad ugu shaqeysaan,haddii Allah idmo.
abdi ali (usrababdallah@hotmail.com
BESHA SHANAAD XAGGEE SIYAASADDA SOOMAALIYA OGA JIRTAAN! (By Cabdi Cali)