Xisbul islaam oo Maamul umagacaabi Rabto deegaano kamid ah Gobolka Mudug

0
Wednesday May 12, 2010 - 16:58:21 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbul islaam oo Maamul umagacaabi Rabto deegaano kamid ah Gobolka Mudug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

 Maxamed Cusmaan Caruus Afhayeenka dhinaca howlgalada Ururka Xisbul Islaam ayaa sheegay in Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ay isku balaariyeen degmooyin ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud oo ay ugu dambeysay degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

 Xisbul Islaam ayaa sheegay in ciidamadooda ay gaareen Tuulooyin ka tirsan Gobolka Mudug kuwaasi oo uu sheegay in shacabka ku dhaqan ay kala kulmeen soo dhaweyn buuxda, wuxuuna sheegay inay doonayaan inay Maamul u sameeyaan deegaanada ay ka joogaan gobolka Mudug.

 Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Ururka Xisbul Islaam in hub iyo 4 gaari oo kuwa dagaalka ah ay ku wareejiysay Ururkooda jufo ka tirsan Beesha Cabsiiye Ceyr oo ku dhaqan deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

 Gobolka Mudug ayaa  ah meel ay ka jiraan 4-Maamul oo kala ah Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna  iyo Ximan iyo Xeeb, iyadoo Xisbul Islaam ay iyana hada ay doonayso inay Maamul ka samayso deegaankaasi, kaasi oo noqonaaya maamulkii shanaad ee ka jira Gobolka Mudug.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip