Markabkani oo laga leeyhay wadanka Gariiga isla markana ay la socdeen 25-shaqaale ah ayaa waxaa meel 200-oo mayl u jirta xeebta magaalada Muqdisho ay ka afduubteen kooxo Burcad Badeed Soomaali ah sida uu sheegay Madaxa Badmareenada Caalamka xafiiskeeda Magaalada Kuala Lumpur ninka lagu magacaabo Noel Choong.
"Markabka waxaa weeraray kooxo Burcad ah xili uu ku sii jeeday Dalka Kenya wana ay fuuleen oo ay horay ugu sii kexeeysteen dhanka Bariga Soomaaliya," ayuu yiri Noel Choong
Choong ayaa intaa ku daray tan iyo bishii January In xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed lagu weraray 55-markab kuwaasi oo 11-ka mid ah loo heysto lacago Madaxfurasho ah.
Kooxaha burcad badeeda Soomaaliya ayaa waxaa ay waqtiyo sii horeysay ka qowleeysanayeen dhanka Bari ee Xeebaha Soomaaliya waxana ay xiligan culeeyska Soo saareen oo weeraradooda ay u weeciyeen dhanka Woqooyi iyo Gacanka Cadmeed halkasi oo ay ka fuliyaan weerarada ugu qatarasan ee ka dhaca biyaha Soomaaliya,ayuu intaa raaciyay Madaxa Badmareenada Caalamka xafiiskeeda Magaalada Kuala Lumpur Noel Choong..
Burcad Badeed Somaaliyed oo saaka afduub u geestay Markab laga leeyahay Wadanka Giriiga
Koox Burcad Badeed Soomaali ah oo saaka afuduubtay Markab laga leeyahya Wadanka Gariiga kaa oo ay ku afduubteen meel ku dhow Xeebaha Magaalada Muqdisho.