Saakay waxaa daggan degmooyinka dhinaca waqooyi ee Muqdisho ku yaalla, kaddib markii ay dagaallo socday 4-maalmood ay ku dhexmareen Ciidamada Dowladda KMG ah iyo Al-Shabaab, kuwaasoo dhaliyay khasaare fara badan.
Dadka Degmooyinka Waqooyiga Muqdisho ku dhaqan waxaa la soo dersay cabsi xooggan, iyadoo dadku hadal hayaan in saacadaha soo socda ay ka baqanaayaan in dagaalku bilowdo, hase ahaatee ma jirto hada saan saan dagaal.
Qoysaskii ku go'doonsanaa degmooyinkaas ayaa bilaabay saakay inay isaga baxaan degmooyinkaas iyagoo u cararaya duleedyada Magaalada Muqdisho oo ay horay ugu noolaayeen dadkii Muqdisho ka barakacay.
Dhanka kale Ciidamada Dowladda KMG ah oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo kuwa Al-Shabaab ayaa isku horfadhiya deegaanno ka tirsan Degmooyinka Kaaraan, C/casiis iyo Shibbis oo ay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku dagaalamayeen.
Xaafadaha Waqooyiga Muqdisho oo Xasilooni ka jirto iyo Diyaar Garow Dagaal Oo Muuqdo