Rasaastani ayaa waxay bilaabatay 2:30 saqdii dhexe ee xalay, iyadoona ay joogtasaday xilli salaada subax aadan keeda uu dhacayay, walaw la maqlayay rasaas teel teel ah waqtiga salad lagu jiray.
Hujuumkani ama weerarkani ayaa waxa uu ka soo bilowday saldhiga ciidamada booliiska dowladda KMG soomaaliya ay ku leeyihiin xaafadda Suuqa xoolaha ee magaalada baydhabo,halkaasi oo weerar ay ku soo qaadeen ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah.
Dagaalkani saqdii dhexe ee xalay ka dhacay gudaha magaalada baydhabo oo xarun kumeel gaar u ah baarlamaanka soomaaliya ayaa la tilmaamay in uu yahay dagaalkii ugu xooganaa oo ka qarxay baydhabo, intii ay dowladdu soo caga dhigay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta G/Bay.
Guud ahaa waxaa si aad ah looga maqlayay gudaha iyo hareeraha magaalada Baydhabo dhawaqa rasaasta talantaaliga u dhacayay habeen kii xalay hoobiyaal iyo baasuuke intuba.
Sida hadalka uu u dhigay intii weerarkan xoogan uu socday maxkamadaha islaamiga waxay baasuuko ku garaaceen qaar ka mid ah guryo ay deganaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka soomaaliya oo ay ka mid yihiin xildhibaan Maxamed Dhaqane iyo xildhibaan Sheekh Nuur Cali Aadan.
Xildhibaan Maxamed Dhaqano oo wax laga waydiiyay weerarkaasi ayaa waxa uu carbaabay in dhammaan baabuurtii ku jirtay gurigiisa iyo guriga uu deganaaba dhulka la dhigay, kaasi oo gantaalo hoobiyaal ah lagu garaacay.
Afhayeenka Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga u qaabilsan dhinaca howlgalada gobolada Bay,Bakool iyo Gedo ayaa waxa uu sheegay in tiro ciidamo booliis ah ay dileen, dhinacooduna waxba aanay ka soo gaarin sida hadlka u dhigay.
Ugu dambeytii, ma ahan dagaalkani dagaalkii ugu horeeyay oo uu dhexmaro ciidamada dowladda kMG soomaaliya iyo ciidamada maxkamaha islaamiga oo dhowr jeer sidaan oo kale dagaal xoogan ku dhexmaray gudaha magaalada baydhabo ee xarunta gobolka.
Lama oga xaaladda magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Bay ahna xarunta baarlamaanka kMG soomaaliya sida ay noqon doonto, walaw ay iminka xaaladeeda tahay mid aan aad u kacsan, uuna saameyn xoogan ku yeeshay dagaalkii saqdii dhexe ee xalay ka qarxay gudaha magaalada.
Xafiiska Wararka Bay, Bakool iyo Gedo
Baidoa-Somalia
Dagaal xoogan oo saqdii dhexe ee xalay ka qarxay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee baydhabo.
Xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa saakay si fiican cagaheeda ku taagneen ka dib dagaal xoogan uu ka qarxay saqdhii dhexe ee xalay gudaha magaalada baydhabo.