Hay’ad udooda Xuquuda Aadanaha Somalida oo bayaan kasoo saartay magaalada Kampala

0
Sunday July 25, 2010 - 21:40:28 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay’ad udooda Xuquuda Aadanaha Somalida oo bayaan kasoo saartay magaalada Kampala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

 Guddoomiyaha ururka Difaacayaasha xuquuqda aadanaha Soomaaliya Dr. Xasan Shire Sheekh oo ku sugan magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Kampala, dadaalada caalamiga ah ee lagu doonayo in dalka Soomaaliya lagu soo dabaalo nabadda iyo kala dambeynta iyo qodobo kale oo guud ahaan taabanayay dhinacyada xuquuqda aadanaha Soomaaliya iyo waliba kaalinta ay dadaaladaasi uga jirto.
 
Dr. Xasan Shire waxa uu sheegay tan iyo markii ay qaraxyada ka dhaceen magaalada Kampala ee dalka Uganda uu idaacadaha iyo Telefishinada wadankaas ka sheegayay in wax lug ah aysan ku lahayn Soomaalida halkaasi joogta, waxa uuna intaasi raaciyay hadalkiisa inuu isagu kulamo la yeeshay madaxda Dowladda iyo hay'adaha xuquuqda dalka Uganda, una sheegay in dadka Soomaalida ah wax lug ah ku lahayn falalka qaraxyada dhowaan ka dhacay Kampala.
 
Isagoo ka hadlayay dadaallada caalamiga ah ee beesha caalamku ku dooneyso inay dib ugu soo celiso amniga iyo kala dambeynta Soomaaliya, waxa uu sheegay Guddoomiyaha ururka difaacayaasha xuquuqda aadanaha Soomaaliya in sida haatan ay u socdaan yihiin kuwo dib loogu eegayo xuquuqda aadanaha in sal looga dhigo, waxa uuna ammaan u jeediyay tababar dalka Uganda uga socda ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah oo uu sheegay inay goob joog ka yihiin xubno ka tirsan xuquuqda aadanaha.
 
"Haddii aan la dhowrin xuquuqda aadanaha Soomaaliya nabad lama helayo" ayuu yiri Dr. Xasan Shire oo dhinaca kale ku booriyay madaxda Dowladda, siyaasiyiinta iyo qeybaha hoggaanka Soomaalida inay muhiimadda koowaad siiyaan ilaalinta iyo dhowridda xuquuqda aadanaha oo uu sheegay in markii la hareer maray sababtay dhibaatada dabada dheeraatay ee dalka ka taagan, taasi oo uu sheegay in markii la helo dhowrida xuquuqda aadanaha dalka Soomaaliya dib ugu soo laabaneyso nabadda iyo xornimada.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip