Madaxweynihi hore ee somaliya c/qaasim oo si isku mid ah u dhaleeceeyay dhinacyada dagalada somaliya.

0
Monday August 30, 2010 - 12:54:16 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihi hore ee somaliya c/qaasim oo si isku mid ah u dhaleeceeyay dhinacyada dagalada somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Dowladdii TFG-da Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo degan haatan magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa qeyla-dhaan xoog leh ka muujiyay dagaalada ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho una dhaxeeya Dowladda KMG ah oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo kooxaha mucaaradka ah oo iyana taageero ka helaya dagaalyahanada shisheeye ee Al-Qaacida.
 
C/qaasim Salaad Xasan ayaa ugu baaqay dhinacyada Muqdisho ku dagaalamaya inay joojiyaan colaadda, oo uu sheegay inay sii kordhisay qasaaraha dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ka soo gaaraya madaafiicda iyo rasaasta la isweydaarsanayo ayna ku geeriyooden ku dhowaad boqol ruux, ayna ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.
 
Hadalka Madaxweynihii hore C/qaasim Salaad oo laga sii daayay idaacadaha magaalada Muqdisho, waxa uu si toos ah farta ugu goday kooxaha Shabaabka iyo Xisbul Islaam inay joojiyaan xabadaha ay ku ridayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo madaafiicda ay ku jawaabayaan geysaneyso qasaare aad u weyn.
 
"Waxaan leeyahay joojiya Shabaab iyo Xisbul Islaam dagaalka aad eediisa wax ku leedihiin haddii aadan badsanin idinka" ayuu yiri C/qaasim Salaad oo sheegay inuu gacan ka geysanayo sidii ay dalka uga bixi lahaayeen ciidamada AMISOM haddii hadafka ugu weyn ee kooxahani u dagaalamayaan ay arrintaasi tahay.
 
Sidoo kale Dr. C/qaasim waxa uu ku booriyay kooxaha mucaaradka ah inay la yimaadaan tanaasulaad si ay ku suuragasho kulamo ka dhacaya dalka gudihiisa oo waxgaradka iyo odayaasha Soomaaliyeed wadahadalada iyo nabadda, isla markaana ay qaataan go'aan kasta oo ka soo baxa.
 
Dhinaca kale Madaxweynihii hore C/qaasijm Salaad waxa uu dhaliilay Dowladda KMG ah iyo ciidamada AMISOM, gaar ahaan madaafiicda aan loo meel dayin ee waxyeeleynaya dad rayid ah, wuxuuna ku booriyay inay joojiyaan madaafiicda oo uu sheegay in loogu talagalay in la adeegsado haddii ciidanka kaa horjeeda ay iyana isticmaalayaan madaafiic.
 
"Shabaab iyo Xisbul Islaam ujeedadiinu haddii ay tahay dad qabuuro lagu aasayo, yaa hoggaamineysaan?" ayuu yiri C/qaasim Salaad oo sheegay in xaaladda Soomaaliya ku hagaagi karto shir dib u heshiisiin oo dalka gudihiisa ka dhacaya, isla markaasina dowladdii lagu soo doorto ay dalka maamuleyso, hase yeeshee hadalka C/qaasim weli lama gaarin xilligiisa marka loo eego tanaasul ay muujiyaan kooxaha Shabaab iyo Xisbul Islaam

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip