Ing. C/Raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ah wasiirka Warfaafinta Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ciidamada Dowladda ku soo afjari doonaan wax uu ugu yeeray kooxaha Nabad diidka ah.
Dagaalka Maalintii 9-aad ka socda Muqdisho ayay Mas’uulyiinta Dowladda KMG ah waxaa afkooda ka soo baxaya Hanjabaado ku aadan in dagaalkaasi ay soo afjari doonaaan.
Wasiirka Warfaafinta Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Ing. Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda KMG ah ee Soomaaliya in ay soo afjarayso dagaalada culus ee ka socda qeybo ka mid ah Caasimada Magaalada Muqdisho.
“Todobaad gudihiisa ayay Ciidamada Dowladda KMG ah kala wareegi doonaan kooxaha dhibaatada ka wada Muqdisho fariisimadooda” ayuu yiri Ing. C/Raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) wasiirka Warfaafinta Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Dowladda KMG ah waxa uu sheegay in Beesha Caalamka ay diyaar u tahay inay gacan siiso Dowladda KMG ah, islamarkaana ay ka kaalmayn doonto dhinacyo badan.
“20-kun oo Ciidamo ka socda UN-ka ayaa la keenaya, kuwaasi waxay sugi doonaan nabadgelyada dalka” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Ing. C/Raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).
Dhanka kale ma ahan markii ugu horaysay oo hadalo Hanjabaado ah ka soo baxaan qaar ka mid Mas’uuliyiinta Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, lamana oga hadalkan Wasiirka Warfaafinta waxa uu uga duwanaan doono hadaladii kale ee ka horeeyey.
Ing. Yariisow “Dagaal kama Dambeys ah ayaan Qaadi Doonaa” (Been Aan Dhamaad laheyn)