Digniin Feyrus siyaasadeed oo ka jira Somaliya

0
Tuesday September 28, 2010 - 12:46:33 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digniin Feyrus siyaasadeed oo ka jira Somaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KU: QURBA JOOGTA SOOMAALIYA
(Digniin Feyrus siyaasadeed oo ka jira dalkeena gudihiisa)
Akhristow haddii aad ka mid tahay qurba joogta Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka Yurub, Mareykanka, Aasiya iyo dalalka Afrikada horay u martay sida K/Afrika oo kale waxaan kaaga digayaa inaad ku lug yeelato faafitaanka Fayruska dalkeena gudihiisa ka jira, kaasi oo dhibaato ku haya sidii dib loogu soo celin lahaa Qaranimadii luntay 20-ka sano kahor, iyadoo nasiib darrada ugu weyn noqotay in qaar ka mid ah qurba joogta Soomaaliyeed ay iyagu qeyb ka noqdeen inay dalka gudihiisa iyo dibadiisa ku faafiyaan Fayruska oo waliba ay ka dhasheen cudurro fara badan oo kala nooc ah.
Qormadeyda oo si toos ah ugu socota qurba joogta Soomaaliyeed ma aha ujeedada aan ka leeyahay inaan meel uga dhaco amaba been ka sheego rabitaanka iyo hilowga ay dalkoodii hooyo u qabaan malaayiinta qurba joogta Soomaaliyeed oo iyagu u ooman inay mar uun arkaan dalkoodii hooyo oo nabad ah qaranimadii oo dib u laabata iyo dowlad dhexe oo sharciga iyo kala dambeynta dib u soo celisa, isla markaasna aan marqaati ka ahay boqolaal ruux oo ka mid ah qurba joogta inay waddo kasta u marayaan sidii loo heli lahaa yididiiladaas wanaagsan.
Waxaa igu dhaliyay inaan farriintaan ku socota qurba joogta Soomaaliyeed u soo mariyo Internet-ka kaddib markii aan ku arkay Websiyada Soomaalida qaarkood kooxo dhallinyaro ah oo iyagoo jooga mid ka mid ah wadamada Afrika ay isku soo bandhigeen iyagoo wata dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, balse ay ku xayeysiinayeen ururka SSC oo aan ognahay ujeedada loo asaasay ee uu ku doonayo maamul goboleedka saddex gobol.
Sida ay horay u faafiyeen Warbaahinta dalka ururka SSC wuxuu goboladaasi ka fuliyay dilal iyo dagaallo toos ah oo uu la galay ciidamada nabadgelyada Dowladda cusub ee dhowaan ay doorteen dadweynaha Somaliland, waxaana jirta sidoo kale in madaxda ururka SSC ay ka hor yimaadeen waxgaradka iyo isimada gobolka oo isku dayay inay xal nabadeed ku dhameeyaan xiisada ka jirta saddexda gobol.
Arrinta kale oo aan sida weyn uga xumaaday waxay tahay in dhallinyaradaas marin habowsan ee lagu shubay fikirka xag-jirnimada ee ururka SSC oo isagu aan ku imaan rabitaanka dadka u dhashay saddexda gobol ee madax bannaanida uu la doonayo inay ka dhex muuqato Fannaanada Saado Cali Warsame oo ka mid ah Fannaaniinta Soomaaliyeed ee galay taariikhda kuna caan baxay muwaadinimo, waxaana kula talinayaa inaysan ka qeyb qaadan xafladaha noocaas ah oo wax u dhimaya sharafta ay ku leedahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed kuwooda samaha jecel.
Waxaan si gaar ah uga codsanayaa akhristayaasha maqaalkan haddii ay suuragal kuu tahay inaad iga gaarsiiso taladaas adigoo ku mahadsan kun iyo kow jeer, hase yeeshee markaan u soo jeesto dulucda qormadeyda waxaad marqaati iiga tahay adiga qudhaada xaalka maanta uu ku sugan yahay dalkeena iyo dhibaatada dadkiisa ku heysata gudaha iyo dalalkii ay maciin bideen, taasi oo ay sababeen dagaalada aan dhammaadka lahayn ee ka socda.
Haddii aad tahay muwaadin ka damqanaya dhibaatada dalkiisa kana mid ah qurba joogta ku sugan dalka dibadiisa, gaar ahaana la mid ah amaba ku fikirka ah kuwa taageeraya, u sacbinaya amaba ugu yaraan niyadda ka taageersan dhaqdhaqaaq kasta oo ku kacaya ficilada sida ururka SSC oo kale ah isla markaana aan saaxadda siyaasadeed ku soo korin doorasho dadweyne inay ka fiirsadaan arrintaasi, bacdamaa aan horay u soo aragnay taageeridda ficilada horseedaya burburka iyo qaran-jabka uu dalkeena maanta ku sugan yahay.
Ugu dambeyntii waxaan hubaa in welwelka ay qabaan dadka ku dhibaateysan dalka gudihiisa mid ka ballaaran inay qabaan dadka qurba joogta ah, hase yeeshee waxaan shaki iiga jirin in heerka uu maanta dalkeena taagan yahay sababta ugu weyn ay leeyihiin qaar inaga mid ah, waxaana jirta caadiyan in dal hadba uu u yaallo ay gaarsiiyeen dadkiisa, haday tahay xumaan iyo samaan intaba, anigoo ugu dambeyntii kula talinayaa qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah xitaa haddii uu taageerayo urur, xisbi koox iwm inuu ilaaliyo isla markaana intii karaankiisa ah uga hortago ficil kasta oo dhibaato ku ah dadka iyo dalka.
Waxaa Qoray:
Fartuun Maxamed
E-mail: keydka1@gmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip