Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu magaca dheer siyaasiyiinta beelaha Muddulood isla markaasina horay xilal kala duwan uga soo qabtay xukuumadihii dalka soo maray ee ka dambeeyay dowladdii marxuum Maxamed Siyaad Barre ayaa markii ugu horeysay daboolka ka qaaday in beesha Muddulood ay go'aansatay hab qabiil inay degaanadeeda uga saarto kooxaha Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo uu sheegay inay yihiin kooxo ka been sheegaya diinta Islaamka iyo ku dhaqanka Shareecada.
Isagoo ka hadlayay waxa ka jira in ciidamada Al-Shabaab ay qabsadeen gurigiisa, waxa uu sheegay Maxamed Dheere in wararkaasi ay yihiin kuwo been ah, isagoona tilmaamay in gurigiisa aysan qabsan karin, wuxuuna sheegay inuu maqlayay sheegashada ninka u dhashay qabiilka Ogaadeenka ah ee Al-Shabaab afhayeen ka dhigatay.
"Ninka sheegay in guriga la qabsaday waa Ogaadeen anigana Abgaal ayaan ahay, Soomaali waa is taqaan waana isu joognaa haddii ay gurigeyga qabsa karaan" ayuu yiri Maxamed Cumar Xabeeb oo sheegay in beesha Abgaal ee uu ka soo jeedo ciidamadooda ay ku sugan yihiin aagag ay ka baxeen ciidamada Dowladda, taasi oo uu sheegay inay ku tijaabiyeen awooda Al-Shabaab ay leeyihiin kuna tilmaamay inay dhowaan ka saari doonaan degaanada beesha Muddulood.
Hoggaamiye Maxamed Dheere oo wareysi xasaasi ah siiyay idaacadda Shabelle xalay ayaa ka hadlay xilligan waxa ku dhaliyay inay qaab qabiil ku wajahaan dagaalada ka socda Muqdisho, isagoo sheegay in Dowladda KMG ah ay awood u weysay inay degaanada beeshiisa ka difaacdo Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.
"Ninkii dhoof ku yimid baa geeridu dhibeysaa, kuwa degaanadeena ku soo duulay ee kitaabka ka been sheegaaya waan ku soo soconaa" ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in ninka u dhashay qabiilka Ogaadeenka ee Afhayeenka Al-Shabaab ah uu ka soo jeedo isirka kaliya ee Afrika ku jira gumeysiga, isagoo ku booriyay inuu marka hore xoreeyo dhulkiisa iyo dadkiisa la gumeysto.
Mar uu jawaab ka bixinayay su'aal ahayd in Al-Shabaab ay ka tirsan yihiin ragga beeshiisa ka soo jeeda, waxa uu sheegay Maxamed Dheere in shaqsiyaadkaasi ay yihiin kuwo wacallo ah oo markii ay u adkeysan waayeen dhinaca Al-Shabaab isu dhiibay markii ay dadkooda dhex joogi waayeen, taasina aanay wax saameyn ah ku yeelaneynin halganka ay beesha Muddulood ugu jirto sidii ay degaanadooda uga saari lahaayeen kooxaha ku soo duulay.
"Waxaan rabnaa diin laawayaasha inaan xoogeena tusno" ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in beesha Muddulood aysan ku kala raaricin halganka ay ugu jirto inay degaanadeeda uga saarto cid ama koox kasta oo aan harsaneynin hoosta Dowladnimada iyo soo celinta qaranimadii dadka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) ayaa ugu baaqay kooxaha hubeysan ee dalka ka jira sida Ahlu Sunna inay taageeraan dowladda KMG ah, isagoo sheegay in horay loogu daalay rag qoryaha u qaadanaya inay mansab ku gaaraan amaba ay ka soo horjeestaan Dowladda KMG ah, wuxuuna caddeeyay in beesha Muddulood ay la dagaalameyso koox kasta oo dowladda mucaarad ku ah.
"Markaan dhulkeena ka saarno nimanka dambiilayaasha ah ee dhulkeena ku soo duulay beelaha kale deriskeena ah ayaan ka taageereynaa sidii ay dhulkooda uga saari lahaayeen" ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay dhinaca kale inay la dagaalamayaan nin kasta oo raba inuu dhulkooda xoog ku joogo.
Maxamed Dheere oo isu Diyaarinayo dagaal ka dhan ah Alshabaab