Kooxda Sao Paulo oo daneyneysa Ciyaaryahaan kaka

0
Thursday October 07, 2010 - 19:50:07 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Sao Paulo oo daneyneysa Ciyaaryahaan kaka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka kooxda Sao Paulo ee ka dhisan dalka Barzil ayaa waxa uu sheegay in ay kooxdiisa daneyneyso in weeraryahaanka kooxda Real Madrid ee reer Brazil Kaka oo hore usoo ciyaarijiray isla Kooxda Sao Paulo ay dib ugu soo celiso dalka Brazil si amaah ahaan.

Macalinka Leyliya kooxda Real Madrid ayaa waxa uu fasaxay ciyaaryahaan Kaka isagoo sheegay inuu iska bixi karo oo aysan halkaan waxba u iilin sidaa darteed ayaa kooxda Sao Paulo ay sheegtay in ay ciyaaryahaankaas u baahanyihiin isla markaana ay ku xoojinayaan weerarkooda.

Kaka ayaa bilahaan ku maqnaa dhawaac soo gaaray tan iyo marki laga soo laabtay Koobka Adduunka ee sanadkaan lagu soo gaba gabeeyey dalka S/africa waxaana la sheegay in Mrinho uu ciyaaryahaankaas uu uga maarmay ciyaarahaanada cusub ee uu sanadkaan soo iibsaday oo ay isku boos yihiin dhinaca weerarka sida Ozil iyo Di Mario.

Kooxda Inter Milan ayaa mar dhaweyd waxey daneyneysay ciyaaryahaankaan iyadooay sheegtay in ay eegeyso ciyaaryahaan Kaka ilaa laga gaaro bisha January ee sanadka cusub eenagu soo wajahan waxaana ay dagaalan la gili doontaa kooxda dalka Brazil kasoo jeeda ee Sao Paulo oo Kaka hore ugu soo ciyaari jiray yaraantiisa.

Ilo wareedyo kasocda xagga Sao Paulo ayaa sheegaya in ay rajoweyn ka qabaan ciyaryahaan Kaka in ay amaah ahaan kusoo qaataan waxaana uuxubin katirsan kooxda Sao Pauloyiri:

"Heshiis waa lagu guuleysan doonaa haddii uu Kaka ogolyahay,si fiican ayuuna u dhici doonaa markasta oo uu Brazil yimaado annaga ayuu nala joogaa, waa qeyb ka mid ah qoyskeena qofwalba xiiso ayey u qabtaa waxyaabo muhiim ah ayuu noo sameyn doonaa woona nacaawin doonaa " sidaasi ayuu yiri

Kaka waxa uu uciyaaritaanka kooxda Sao Paulo bilaabay isaga oo 8 sano jir ah waxaan uu team-ka koowaad laba sano kahor inta uusan usoo wareegin kooxda Ac-Milan 2003 asiga oo 21 jir ah.

Cali Sh Axmed (Caliyare)

Xafiiska wararka Warsheekh

Nairobi-Kenya

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip