Bismillaah, wal-Xamdu liLLaah, Wa SalaatuLLaahi, Wa Salaamuhu Calaa Xabiibihi, Wa Khaliilihi, Wa Khiiratihii Min Khalqihii, Wa Mustafaah, Wa Calaa Aalihi, Wa Saxbihi , Wa Man Waalaah.
Wa Bacd.
رَبÙÙ‘ اشْرَØÙ’ Ù„ÙÙŠ صَدْري Ùˆ يسÙّر لي أمري واØÙ’Ù„Ùلْ عÙقْدةً Ù…ÙÙ† لّساني ÙŠÙŽÙقَهوا قَولÙÙŠ.
As Cl Wr Wb , Walaalayaal !
Salaam ka dib . Inta Anaan guda gali Qormadeyda , iyo Waxa ay Xambaarsan tahay oo ah ; Murti, Maah-maaho, iyo Hadalka Maantoo ah, Waxa aan ka Maarmi waayey in aan dul Joogsado Erayo aan is leeyahay waa u Muhim Qormadaan.
Sababka igu Xambaarayo in aan Gun-dhig uga dhigo Qormadeyda Erayo, ayaa waxa ay tahay; In aan Arkaayo amaan Maqlaayo baryahaan dad - wadaago Hal Masiir - ay Hawada isu marinayaan Dhambaallo iyo Erayo Liddi isku ah. Taasoo keeni karto in ay naga Shuqliso Muhimmaddeena.
Haddaba Aniga oo taas ka Duulaya, ayaan waxaan rabaa in aan Ogaanno - Marki laga Hadlaayo Masiir iyo Qaddiyad Ummadeed - Nuucyada Dadka u kala Baxaan.
Nuucydaas si' aan u Fahamno, waxaa Daruuri noqotay in aan Faham buuxo u yeelanno Erayadaan.
Erayada aan Xushay waa sidaan;
OPTIMIST, PESSIMIST, PERFECTIONIST, CYNIC, SUPERIORITY COMPLEX, DISSEMBLER (DOUBLE-DEALER), TABOO, STOOGE.
Waxaan ka Codsanayaa Inta isku Howli doonto Aqrinta Maqaalkeyga in ay si Taxaddar leh u Aqriso, Dhuuxdo warkeyga isla markaasna Naqdiso (Critical Reading).
Bal aan u horreysiiyo Erayga ;
OPTIMIST: MAAN-KU-KHEYRRE, waa Qof Maanka ku haayo KHEYR barax-tiran ama Kheyr-fishe. Expecting the Best to Happen.
PESSIMIST: Waa Kaan soo Sheegnay Caksigiisa (Shar-u-Toog-haaye) Expecting the Worst to Happen.
Waxaa la yiraah, Optimist iyo Pessimist Kalama Dhama Bulshaduna kama Dhama oo Mid kastoo ka Mid ah waa loo Baahi qabaa Kaalinkiisa.
Maantoo ayaa Maan-ku-Kheyrre Maankiisa ka Helay in uu ku Duuliyo Diyaarad Hawada.
Arrin markey meeshaas u joogto, ayaa waxaa faraqa uga Dhegay Shar-u-Toog-haaye (Pessimist) oo Yiri; Maxaa Talaa haddii ay Diyaaradda Hallaawdo iyadoo Mareyso Hawada ?!!.
Marki Xaajo mahaas mareyso ayaa Pessimist Fakaray oo uu Asigana markiisa Hal-abuuray Baarashuuto (Parachute).
"Optimist Built the Plane, And Pessimist Built the Parachute"
Soomaalida waxa ay ku Maah-maahdaa; Waayeel War Badshay Ujeedkiisa waa uun yey Wax Hallaabin.
Waxa ay ila tahay haddaba Walaalaha u Qummay in Muddullood Maamul yeesho waa Maan-ku-Kheyrreyaal Rabo in ay Arkaan Heybtaan oo ka Mid noqoto Bulshooyinka Hor-umaray lehna Nidaam iyo Kala-dambeyn.Anigu ma Arko Wax lagu Ceebeyn karo.
مَا عَلى Ø§Ù„Ù…ÙØØ³ÙÙ†Ùيْنَ Ù…ÙÙ† سَبÙيلÙ
Walaaha Ayukana Wax Dhaliilaya -Inkastoo aan la Gaarin Wax Dhaliilid -Halloo Arko Kuwo Shar-u-Tooghaayo oo haddii la Yaabo noo soo Sameynaayo (Parachute) Jawaab u Noqon karo Mashaqooyinka aan Maankeenna ku Jirin.
Runtii, waan u Garaabayaa Walaalaha Sharta u toog haayo, sababtoo ah waxa ay ka Dharagsan yihiin Xaqiiqada ah in uu Mesha ka Baxay ama Xaraarug ah oo Naftu ku Dabayartahay Wadcigii Dhaqa-Bulsho ee Ummadda Muddullood. Waa waxa Afka qalaad lagu yiraah; (Lack of SocioCulturally Supporting Enviroment).
Waxaa Yaqiin ah in aan loo kala Harin Ololihii Xididdada loogu Siibayey Qiyamki, Turaathki, Hiddihii iyo Ab-looga herki ay Laheyd Ummadda Muddulood Hiraab.
Bal yeysan ila Durgin Faaqidaadda Wadciga Bulsheed ee muddullod Hiraab.
Perfectionist: Waa Qofka anaan Aqbaleyn Wax aan aheyn Kamaal (Dhammenimo) Dhamme waa Ilaahey.
Waxa uu rumeysan yahay Bulsho Ceeb-La'aan ah.
waxaase Horey loo Yiri:Dad lama Yiraah Ma Ceeb La'yahay, ee Ma Ceyntaa ayaa La yiraah. Ceeb-Laawe waa Ilaahey.
Cynic: Waa Bushiye ama Iin-u-Yeele, waa Axadka Rumeysan in Tallaaba Kastee la Qaadi in laga leeyahay Dano Gaar ah Ama aanba U' Ogoleyn Dadka Gheyrkiisa Innaba Wax Lib ah, iyo In ay ku Habboon yihiin Howsha ay u Qummen.
Kan (Cynic) iyo Kuwa la midka ah Muxuu Qur'aanka ka yiri ?
Bal ila maqla amaba ila Fiiriya Suuratul Baraa'ah ama Tawbah Aayadda 79-aad.
أَلّذÙينَ ÙŠÙŽÙ„Ù…ÙØ²ÙˆÙ† المطّوّعينَ Ù…ÙÙ† المؤمنÙين ÙÙŠ الصّدقات والَّذÙين لا
يجدون إلاّ جÙهدهÙÙ… Ùيَسخرون Ù…ÙنهÙÙ…
Macnaha Aayadda ku Dhawaad waa sidaan;
Kuwa Rabo in ay Ummadda fashilanto, waxaa ka Mid ah Kuwa Duraayo ama Bushinaayo Mu'miniinta isu-Xil-qaamay in ay Gacan Qabtaan Walaalahooda Kale Wixi ay Heli karaan .
Waxaa Ceeb looga dhigay Wax ku Yar Dadka Indhahooda Balse ku Weyn Ilaah agtiis.
Arrika aynu ka Hadleyno (Cynical Attitude) waa Cudur Asiibo Dhimirka (Mental Disorder).
Waxaan kula talin lahaa Qofki iska Dareemo waxyaalaha aan kor ku soo Xusnay , Bal dib ha' isugu laabto oo Sheydaankiisa ha naaro.
Xumaanta Dhexdeeda ka Raadi wanaag !
Maalin ayaa Waxaa is raacay Nabi Ciise (CS) iyo Xawaariyiinti.
Kolkaas ayeey Dariiqa ku Arkeen Ey Bakhtiyey.
Markii ay marayeen meel u Dhow Bakhtiga Eyga, ayey Sanka qabsadeen Ayukoo Dhibsanaayo Bakhtiga iyo Qurunkiisa isla markaasna ka Hadlaayo Bakhtiga. Balse Nabi Ciise (CS) kamana Hadlin Bakhtiga , Sankana kama Qabsan.
Markii ay Cabbaar la socdey ayey Weyddiiyeen N. Ciise (CS); maxaad Sanka u qabsan weysay ?!!. Sow kuuma soo Qurmin Bakhtiga ?!!.
Markaas ayuu waxa uu ku yiri; Anigana waxa aan la Yaabbanaa Ilkaha Eyga Bakhtiyey Quruxdooda iyo sida ay u Cad-cad yihiin !.
Kolkaas ayey - ayukoo yaabban - weyddiiyeen Sirta Jawaabtiisa ku Sugan ?!!.
Wuxuuna ugu Jawaabay (CS) ; Waxaan rabay in aan idinku Tarbiyeeyo in Noloshu si kastooy u Xumaato, haddana in ay Leedahay dhinacyo wanaagsan, balse waxaa heli kara oo Kaliya Qofkii isku Howllo in uu Helo Dhinaca Wanaagsan.
Qissadaan waxa ay na Bareysaa haddeynu nahay Kuwa isku Shuqla Ceebeynta iyo Iin-u-Yeelka in ayan aheyn bushinta iyo Ceebeynta Khiyaarka Kaliya ee aan Heysanno, balse Khiyaaraatku Badan yihiin (More Enough Options).
Waxaa la yiraah; Tixsiga Muraad kama laha Meelaha Fiyow ee Baddanka/jirka, balse Baadida ka Maqan ee uu Doon-doonayo waa uun Meel Bukto.
Haddaba Qofka wax Bushiyo waa sida Tixsiga. Waa waxa lagu Yiraah Afka Qalaad (Muscae Theory) ألنّظريّة الذبابيّة
Waxaa kaloo isoo Jiittay Qisso ku soo Aroortay Suuratu Annamli Aayadaha 45 ,46, iyo
47.Waxaa ku Cad Aayadahaan in Cynic ama Bushiyuhu mar walbo Duullaan ku ahaa Wanaagga iyo ehelkiisa. Bal aan isla Aqrinno Gaar ahaan Erayadaan;
قَالَ يَا قَوم٠لÙÙ…ÙŽ تَستعجلون Ø¨ÙØ§Ù„سّيّة قَبلَ Ø§Ù„ØØ³Ù†ÙŽØ©................إلى قوله تعالى :قالو اطّيّرنا بÙÙƒ.........
Waa Nabi Saalix (CS) Iyo Qawmkiisa.
Waxa uu Weyddiiyey Sababta ay ugu Dag-dagaan Xumaanta inta aanba la' isla Gaarin Wanaagga ?!!.
Waxeyna ugu Jawaabeen; Waaynu ku Qoonsannay/ Shareysannay. Cajiib !!!.
NB/FG:- Waxa laga yaabaa in la Ghariibsado sida aan ugu Xeel-dheeraaday ka Hadalka Cynic ama Bushiye .
Ujeedkeygu maaha in aan Xukun ku ridaayo Dhammaan Dadka Dhiibanyo Aragtidooda ama wax Naqdinayo, balse Ujeedku waa in aan ku Taago 5-ta farood Aafadaan Na Adduun iyo Aakhira Seejisey.
Waana ka dheregsannahay Balaayada iyo Hoogga lagu Sheegay War-xumada iyo si' Xun-wax- uFassirka.
Waxaan kaloo Rabaa in aan idiin Xaqiijiyo in ay ii kala Baxsan yihiin Pessimist iyo Cynic.
Waxa kaloo jira Kuwa kale oo Ayukana iska Dhaa-dhiciyey in ku Dhiirradaan waxa ay u Yaqaanaan Run-sheeg , balse aan u Aqaan aniga ; " WAA DHIHI KARAA/YEELI KARAA (Devil-dare) "
Taasi waxa ay ka dhaigan tahay Ku hadal Wixi Afkaaga soo qabto si' laguu Yiraah; Hebel waa Nin Dhiirran.
Waxaasa horay loo Yiri; DHIIRRI BADAN WAXA AY LEEDAHAY DHUR-LA'AAN.
suubbanaha (SCWW) waxa uu inna Barayaa in Been wax Dhaqda oo isu keenta Quluubta ay ka Kheyr iyo Fadli badan tahay Ilaah Agtiis Run Quluubta kala Jeedisa sababteedana ay ku Xasisho Karaahiya iyo Xiqdi.
إنّ اللّه Ø£ÙŽØØ¨ÙŽÙ‘ الكذب ÙÙŠ Ø§Ù„Ø¥ØµÙ„Ø§Ø ÙˆØ£ÙŽØ¨ØºØ¶ÙŽ الصÙّدق ÙÙŠ Ø§Ù„Ø¥ÙØ³Ø§Ø¯
Taboo: Waa Xaaraam ka yeelid (Social Stigma).
Waa Aragti Dhaqaneed ama Diineed ay Qofka iyo Bulshada ka Qabaan Dhaqan ama qaab Hadal (TASARRUFAAT IYO TASRIIXAAT) aan ku Habbooneyn in lagu Arku ama Lagu Maqlo Qofka iyo Bulshada intaba.
Tusaale; Gogol-dhaafka, Xanta, Been-marag-furka, IWM.
Markaan wax ka iraah in Muddullood Hiraab yeesho Maamul iyo Nidaam ka Arrimiya Dadka, deegaanka iyo Deeqda Muddullood , waxa aad Arkeysaa ama Maqleysaa Qof ama Koox ka mid ah Kuwa loo Han haayo ee la Rabo in ay ka Gudbiyaan Maraaxilka Adag, Ayukoo ( waa kuwa loo Han haayee) ku leh; Aniga Qabiil ma Rabo ama Kitaabka iyo Sunnada waxaan aheyn ima soo Galaan ama ama ku leh; Wax Hawiye ka yar leyma Sheegi karo ama Soomali-weyn yaan Hoos looga Dhicin.
Haddaan si' kale u iraah; Waxa uu Aaminay Qofkaas ama Kooxdaas in Tolkaaga oo Wanaagga lagala Qeyb galo ama lagu Taageero Talo, Tusaale iyo Tigaad intaba ka Dhigan tahay Taboo ama wax Xaaraam ah oo uu ku Weyn karo wax uu Dan bidey.
Waana Mashaqa inteeda la' eg in Qofku Gaaro Heer ah in uu soo Hadal qaadi karin maxaa yeelay Xaqaagu waa lagama Hadlaan.
Sidaa daraaddeed waa in aad ka Leex-leexataa Sheegashada Xaqaaga si' aan laguugu Arkin Qof Xad-gudbay. DOQONI YAAN LAGAAGA DARIN EY U DIIR LA' DAHAY.
Not Dare Claim your Right Just Because of Fear to be Stigmatized or Judged.
We Must Therefore Live with An Imposed Self-Dinial.
Waxaan Rabaa in aan ku Maah-maaho Heshiiski (XILFUL FUDUUL) ama Isbaheysigi Kuwa Sama-doonka ah.
Waxa uu ka Dhacay Guriga ibn Jidcaan oo ahaa Waayeelki ay Qabaa'ilki reer Qureysh u wada Qireen Fadliga iyo Sama-ka-talinta.
Waxaa lagu Heshiiyey in la Dhiso Maamul Damaana Qaada Nabad-ku-wada-noolaansho iyo in Xuquuqda Asxaabteeda loo Celiyo.
Waa Mujtamac Jaahili ah misna gartay in Noloshu aysan ka Maarmin Maamul ka shaqeeya Nabad-galyada iyo kala Dambeynta, u Adeega Bulshada, Dhiirri geliya oo Horu-mariya Wanaagga , lana Dagaallama Xumaha.
Waxaa ka mid ahaa Akhyaarti ka Qeyb-gashay Heshiiska Suubbanaha ( SCWW ) Asiga oo ah Nin Bar-baar Gar-madow ah.
Nabiga (scww) ayaa Goor Dambe ma Islaamku Meel walba Gaaray - Waxa uu Yiri; Asigoo ka Xaal-warramyo - Maamul ay Qureysh ku Heshiisay; Waxaan usoo joogay Heshiis ka dhacay guriga Ibn Jidcaan. Heshiiskaas wax aan siisan lahaa (ku baddalan lahaa) ma jiraan, Haddii ay jiraanna maba Aqbaleen.
Haddii maantay la' igu yeeri lahaa Anigoo Nabi ahna , waan ajiibi lahaa.
لقد شهدت ÙÙŠ دار عبد الله بن جدعان ØÙ„ÙØ§ ما Ø£ØØ¨ أن لي به ØÙ…ر النعم ولو أدعى به ÙÙŠ الإسلام لأجبت
Waxaan is leeyahay haddiiba Mujtamac Jaahili ah u Awood yeeshay in uu Garto Muhimmadda uu yeelan karo Nidaam iyo kala Dambeyn, waa Ayaan-darro haddii aan Garan weyno amaan ka il-duufno Anukoo ku Nool Qarniga 21-aad , Weliba Ilaah nagu Galladay Islaamnimo.
Dissembler : (Double-dealer) Waa qofka ku Tilmaaman Wadar-Danaale , waa Kan Midabada Badan oo marba Qolo kula joogo Dano (short-term) Maalin-ku-Mood ama Dabka-ka-shido. Masiirka Ummadda Siisanaya Shilimaad yar.Waxaa dhici karta in uu kaa Orod badan yahay, Kaa Qeyla badan yahay. Balse horaa loo yiri; Baadida Ninbaa Kula Day-dayi, Daalna kaa Badane, Oonan Dooneyn Inaad Heshaa Daa'im Abidkaa
Kan Noocaan ah Naguma badna, balse waa laga heli karaa Bulshadeena.
Marki aan Intaas uga Baxo Erayadi iyo Macnahoodi iyo weliba Raadka ay ku Leeyihiin Waaqiceenna Bulsheed.
Bal aan Wax ka Iraaho Maamulka Muddullood Hiraab.
Walaalayaal, waxaa laga Yaaba in dadku is weydiiyaan ama ay Ghariibsadaan Waxa nagu Dhaliyey in aan ku Baaqno Maamul Goboleed.
HAA, Waan Dalbeynaa, maxa yeelay Waxeynu Heysannaa Sabab kasta oo Naga yeeleysa in aan isugu Baaqno, isku Boorrinno, iyo in aan u-Howl-galno Maamulkaas.
Waxaa la yiraahdaa; Haddii la Ogaado Sababka, YAAB-ka meesha waa ka baxaa.
Tusaale :- Haddii lala Yaabi lahaa Cunug Dhallaan ah, oo leys Weyddiiyo Cunuggaan sidee Addunyada ku Yimid ?
Yaabkaas Waxa ow Meeshay ka Baxaa, marki aan Ogaanno in Cunug kasto ay Habar iyo Odey Dhaleen.
إذا Ø¹ÙØ±Ù٠السّبب بطل العجبÙ
Haa, Walaalyaaal ! Waxaan aragnaa Ummaddeenna meesha ay Taallo.
Waxaan kaloon Aragnaa Asaaggeen oo ku Hoos Nool Nidaam ay Ayuka Sameeysteen.
Waxaa harey Loo Yiri; Saddax Saddax kalaa u Maaraa, Saddaxaase ka Macaan Badan Saddaxna Meel waa Ka weysay.
1-Gudcur / Mugdi Caddaan oo Dayaxu yahay 15, ayaa u Maaraa, Maalinaasa ka Macaan badan Nin Indha La'aase Meelna ka Waayey.
2-Abaar Waxaa u Maaraa Kisti markaas lagu Moodo, Aaranaase ka Macaan badan, Nimaan laheyn Beer iyo Bar-Xoolaad ayaa Meelna ka Waayey.
3-Dagaal Waxaa u Maaraa in La Galo, Nabadaase Ka Macaan Badan.
Nin Dakana qabaase Meelna ka Waayey.
Aniga Hadda Waxaan Leeyahay;
Dhibka Heysta Muddullood Hiraab ,Waxaa u Maaraa Maamul iyo Kala Dambeyn, Qaranki Soomaali aase ka Macaan Badan.
Waase Khiyaar Hor Yaal Wax-garadka Muddullood haddii ay Dooranaayaan in ay Noqdaan Kuwii Meelna ka Waayey Wanaaggi ay Wax-garadki iyo Gobti Soomaaliyeed ay u Dhaqtameen oo ah Bad-baadinta ummaddooda.
Win-Win Scenario :
Sideedaba marki la yahay Ummad leh Hal Masiir, Waxaa Habboon in si' fiican looga fakaro Xulashada Strategy-da iyo Wasaa'ilka la Rabo in aan ku Gaarno Yoolka/Hadafka.
Wxaa Jiro Saddax Hab oo aan kala Xulan karno Waana Sidaan;
1-Aaan Wada Liibaanno. ( Win-Win scenario ) 2- Aaan Wada Hoogno. (Lose-Lose Scenario)
3-Qeyb naga Mid ah Ha Liibaanto Qeybta Kalana Ha Hoogto.(Win-Lose Scenario). Suubbanaha (SCWW) ayaa Na Baraaya in aan Aqbalno in La Wada Liibaano Haddaynu Nahay Muslimiinti u Nisba Sheeganeysay Nabi Muxammad (SCWW).
Maantoo, Ayaa Waxaa Jirey Reer.
Reerka Waxa uu Ka koobnaa 1- Odey Faqiir ah. 2-Xaaska Odeyga (Hooyada Reerka) oo Indha la'. 3-Wiil ay Dhaleen Odeyga iyo Habarta.
4-Bilcaan uu Qabay wiilka oo Ma-Dhasho aheyd.
Haddaba Reerka Waxa Heystay 4 (Afar) Dhibaato oo kala Duwan.
Dhibaatada 4-aad Waxa ay aheyd ; Isu geyn dhammaan Dhibaatada Heysata Reerka ayaa waxa ay dhibaato ku aheyd Wiilka. Illeyn waa tii hore loo yiri; Jiirkiis la Heyste Jariidka kama Qoslo.
Reerku waxa ay Lahaayeen Huuro (=Doon yar) oo ay ku Kalluumeystaan.
Maalinba Waxa dhacdey in Wiil u Kallaho Xaggaas iyo Maanyada.
Nasiib Wanaag, waxaa Jilaabta (Makaalinta) ugu soo Dhacay Mallaay / Kalluun Weyn.
Waa uu ku Farxay oo waxa uu ku Guuleystay in ow soo Dhiciyo Maalinkaas Goosaarti Cidda.
Balse waxa Dhacdey Arrin uusan Fileyn.
Wxaa la Hadlay Mallaaygi oo ku Yiri; Nin yahow; Iska Key Daa, waxaan kuu sheegayaa wax kaa Farxiyee.
Asugoo Yaabban ayuu Kalluunkii Badda ku Daayey.
Kalluunkii ayaa Asigoo Oofinayo Ballanti Ku Yiri ; Waxaa lagu siiyey Hal Duco (One Wish) oo laga Aqbali doono.
Marka Adiga ayaa iska kaleh Khiyaarka .
Wiilki ayaa u yimid Abbahiis una Sheegay Qissadii uu La soo Kulmay.
Odeygii ayaa Yiri , Maandhow, Faqri ayaa na Dhibaye, Ilaahey noo Weyddii Hodantinimo / Tanaadnimo.
Wiilkii haddan waxa uu u Sheegay Hooyadiis Qissadi.
Hooyadii ayaa iyadana tiri ; Maandhow, sidaan kuu dhalayba Kuma arag ee Ilaahey nooga Bari in uu i Siiyo Awood aan wax ku Arki karo.
Wiilki ugu dambeyn waxa uu u Sheegay Xaaskiisi Qissadi.
Xaaskii baa Iyadana tiri ; Xabiibi/Gacaliye, Ilaah Nooga Tuug in uu na Siiyo Ubad.
Wiilkii markii ay Xaajjo halkaas mareyso ayaa la soo Darestay dhibaato 5-aad oo ah Laba Daran mid Dooro (Dilemma).
Wiilka waxa Hortaallo 5 (Shan) Dhibaato oo kala Duwan, waxaana uu Heystaa oo kaliya hal Duco (Just One Wish).
Waxa uu Dib Furshay Xaqiiqada Qoyskiisa. Waxa ku Adkaatay in uu kala Fadilo Gacalkiisa. Qoyska Wiilka markaan waxa ay u Magan yihiin Xikmadiisa.
Waxa uu Go'aansadey in uu Doono Strategy-ad u Suurta galin karta Reerka in ay Wada Liibaanaan (Win-Win Scenario).
Wiilki waxa uu Billaabay in uu ka Taxaddaro Xulashadiisa.
Aakhirki, waxa uu Yiri ; Hooyadey Ha' Aragto Cunuggeyga uu ku Jira Gaari Dahab ah. (Let my Mother See My Child in Pram of Gold).
Haddaba Walaalayaal, Khiyaarka ugu Fadliga Badan Waa Kan lagu Wada Liibaano ee Maaha Kan lagu Wda Hoogo ama Kan ay Qeyb naga Mid ah ku Faraxdo Qeyb naga Mid ah Murugo iyo Ciil ku Noolaato.
Yaa na Gaarsii kara In aan wada Libaanno ?
Jawaabtu waa ay Sahlan tahay. HOGGAAN (Leadership).
DHABADEY GEED GAL !!!!!
Maantoo ayaa Heshiis gaaray Inta Haaddo iyo Habar Dugaag.
Waxa lagu Heshiiyey la kala Gaabsho laba nooc oo Shimbiraha ka mid waana DIIRAN iyo DHABAD. Heshiiska waxa uu ahaa Sidaan;
Halloo Doorrimaadiyo Diiran iyo Dhabad laba Arrin Middood.
1-In Hoggaanka laga Dilo oo inta Kale loo Daayo.
2- Iyo in Hoggaanka loo Daayo oo Inta Kale la Laayo.
Diiran waxa uu Doortay Haddiiba aan la Hureyn, hala Laayo inta kale ee noo Daaya Hoggaanka iyo Afar uu Hoggaansho. Wadartu kolkaas waa Shan.
Balse Dhabad waxa uu Doortay in la Dhammeyo Hoggaanka, balse inta kale loo Daayo.
Diiran waxa laga soo Reebay Shan, balse Dhabad Hoggaanki unbaa laga Dilee, inti kale waa loo Daayey.
Maalinki dambe , ayaa waxa dhacdey in Dhabad Shir yeesho oo ku Heshiiyo in leys daba Dhigo Diiran intii ka Hartay.
Diiran ayaa maqlay Heshiiskii Reer Dhabad.
Hoggaanki Diiran ayaa la Yimid Stratgey-ad Looga Hortao Duullaanka Reer Dhabad.
Diiran waxa Guddonsadey in aan Dagaal fool-ka-fool ah lala Galin Dhabad, balse intey Shantoodi isa soo raaceen ayey Dhabad meel joogo u yimideen oo weyddeeyeen; Ma' aragteen Shan Diiran oo meel ku Shireyso ?
Marki ay Dhaafeen, ayey isla Shanti Diiran Dhabba kale ku yimideen oo ay weyddiiyeen; Shan Diiran oo meel ku Shireyso Ma' Aragteen ?
Marki Ow Diiran Dhowr mar sidaas sameeyeen , ayaa Reer Dhabad is weyddiiyeey ; Maxaa loo lahaa; Diiran Shanaa laga soo Reebay? Sow kuwaan Shan-shanta u Guuraayo maaha.
Reer Dhabad waxa ay Dib ula Laabten Go'aankoodii ahaa; aan Diiran Cagta Marinno. Reer Dhabad waxa ay Guddonsadey Go'aankooda galay ee ahaa; DHABADEY GEED GAL !!!
Bal haddii aan Sawiro Waaqica iyo Xaalka Muddullood Hiraab , Waa sida ay Tixdan tlmaameyso:
ILAAHAASA CEYMIYEY,
NIMEY ADDUUNYO LA CIIRTAY.
AMA COLAAD KU GO'DOOMAY.
AMASE CEEL KU DHOCOO,
CADAAWADIISA DUL JOOGTO.
CAZIIZKEY WAXOW KUU QORAA LAGU CASHEEYAA.
Waxaa nahay Ummad Cadowgeedi Ceel ugu Dhacdey.
Waxaanse Leeyahay; SIDEY U INDHA XUN TAHAY, UMA ILAAH LA'A.
Lagma quusto Naxariista Ilaaha Raxmaanka ah.
HADAF:
Hadafku Waa Ummadda oo Hesho Maamul Gaarsiiyo Qarannimo
WASIILADA:
Wasiiladu waa Wax walbo oo aan Caro Galeen Allaah.
Balse haddii aan yara Bayaansho (To be more Specific)
1-In Cid walba oo Muddullood Hiraab ah la Aqbalo in ay Xaq u leedahay ka Aaya talinta Dadka iyo Deegaanka Muddullood, waase haddii Rumeysan tahay Danta guud (Common Interest).
2-Kol haddii ay suurtoobi weysay in Dadku Ber wax isula Arkaan , ama Sunnada Kownigaa ee Ilaahey ku Maamulo Adduunka, in La Aqbalaa Nidaam ku Dhisan Hannaanka Xizbiyada badan (Multyparty system), si markaas loogu Dhaqtamo Horumarinta Dadka Iyo Deegaanka.
ÙˆÙŽÙ„ÙÙƒÙÙ„Ù ÙˆÙØ¬Ù‡Ø©ÙŒ Ù‡ÙÙˆ Ù…Ùولّيها ÙØ§Ø³Ù’تَبÙÙ‚Ùوا الخَيرات
3-Si' danta Guud u Meel Marto, waa in la Aqbalaa in Danaha Gaarka ah la' Is Wafajiyo ama laga wada Tago, ama Qoddood laga Tago ama Wax Baddalkooda ah la Dhaafsado (Compromise)
وَالصÙّلØÙ خَيْرٌ
4-Asaasku waa ; Qof laga Maarmo ma Jirto.
Walaalayaal, Qof kastoo ka mid ah inta Rumeysan Mabda'aas, waxay Qaarkood Qaarka kale u yihiin sida Xubnaha Jirka. Xubin Shaqaheeda laga Dhan yahay ma Jirto. Sanku ma Qoonsan karyo Dhegaha. Haddow Qoonsayana Kaalinkey ku Aadan yihiin kuma Aadi karyo.
Sidaas oo kale Xubnaha soo haray.
Waxaan Rabaa in aan Ku soo Gaba-gabeeyo Tixdaan ay Tirisey Walaasheen Shamsa Cali M'llim Allaha Xafidee Iyada , Ahalkeeda iyo Awlaaddeeda.
Shamsa waxa ay Cabbireysay Midnimada Muddullood Hiraab.
Humaagga ay u Xulatay Hawraartedana waa Waaxyahay Jirka iyo Shaqada Qaarkood Qaarka kale u hayaan. Tixdina waa Sidaan;
DHEGTA MAQALKA WAA LOO OGYAHAY * MOYDA ARAGTIINO.
AFKA WAA MUHIIM AA LA YIRI * SANKANA LAGAMA MAARMAANE.
MADAX FOOLKA WAA LAGA MASAXAY * WAANA LAGA MEYRTAAYE.
MILKIGANA WIXI LAGU TACBADO * MIDIGYA BIDIX WAAYE.
MAJAHANA DHULKAA LAGU MARAA * MARSHA MOXOGGAA AH.
MATOORKUNA MINDHICIRKOW KU YAAL* IYO MAQAASIINKA.
WIXI DHUUNTA SOO MARO WAA * IN MATOORKU KALA MIIRO.
HADDOW MURUFYA MIID NOOGA DHIGO * KALA MADAAHIIBO.
MIIDDUNA JIRKEY NOO GASHAA * MUUQA IYA DHIIGGA.
MURUFTA MAROORKEY MARTAA * LAGA MAJIIRTAAHE.
MINNIDUNA WAXEY MEEL LA TAAL* MIIDDA IYA BOWLKA.
NIN WALBANA MAKAANKEEDIYOW * ULA MURAAD YAAHE.
HADDOW MEEL BANNAAN DHIGO * MAGAC DARRAA JOOGTO.
Walaalayaal, Haddii Haleelay wixii aan u Qasday (Waa Midnimo, Cizzi iyo Kheyr-isku-Kaashi) waxa ay ku ahaatay Waafajinta Ilaaha Raxmaanka ah.
Haddiise aan Hareer maray, umaan Qasdine waa Naf Sheydaan ee Yaan Leysu Qaban, balse Tacdiiliya oo Toosiya.
BAARAKALLAAHU FIIKUM, WA KHEYRAN JUZIITUM !!
Ws Cl Wr.
Sheikh Abdurrahmaan Sheikh M'diin Celi
Eliyow@hotmail.com
Arrika Muddullood sidow u Indha Xun yahay, uma Ilaah La' a