Gaadiidleyga Somali ila Itoobiya isku marta oo ka cabanaya Dagaalada Hiiraan

0
Wednesday October 20, 2010 - 12:08:43 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaadiidleyga Somali ila Itoobiya isku marta oo ka cabanaya Dagaalada Hiiraan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Darawalada gaadiidka xamuulka iyo shixnadaha badeecooyinka kala duwan ee isaga gooshaya xuduuda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay kala kulmaan ciidamada Itoobiya, gaar ahaan kuwooda ilaalinaya xuduuda, ciidamada Dowladda ee ku sugan degaanada u dhow xuduuda Itoobiya oo ka tirsan gobolka Hiiraan, sida degmada Feerfeer iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Mid ka mid ah darawalada gaadiidka xamuulka isaga goosha xuduudaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegay inay saacado fara badan ku qaadato marka ay gelayaan dalka Itoobiya, kaddib markii ciidamada Itoobiya ee ilaalada ka haya xuduuda baaritaanno xoog leh ku sameeyaan gaadiidka, isla markaana baabuur kasta ka dejinaya oo dhulka dhigaya waxa saaran gaadiidka, taasi oo qaadaneysa saacado fara badan.

Sidoo kale cabashada darawalada waxaa ka mid ah marka ay soo gelayaan dalka Soomaaliya ay baaritaanno ku sameeyaan ciidamada Al-Shabaab, halka xilliyada qaarkood ay kala kulmaan hanjabaado, caga jugleyn, wuxuuna sheegay darawalka u hadlay gaadiidleyda xamuulka ee gobolka Hiiraan in ciidamada Al-Shabaab ay horay ula wareegeen gaadiid fara badan oo shixnado badeeco ka keenay dalka Itoobiya.

Degmooyinka Feerfeer iyo Ceelgaal oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah, ayaa iyana la sheegayaa in gaadiidka xamuulka ay ku sameeyaan baaritaano, gaar ahaan kuwooda gelaya gudaha dalka Itoobiya, iyadoona falalkaasi ay sheegeen darawalada haddii ay sii socdaan ay taasi keeneyso in howlahooda ay hakadaan.

Ganacsiga gobolada xuduuda dalalka Soomaliya iyo Itoobiya oo muhiim u ah labada dal, ayaa waxay ganacsatada gobolka Hiiraan walaac ka muujiyeen cabashada gaadiidleyda badeecadahooda ka daabusha labada dhinac, bacdamaa ganacsatada ay dalka Itoobiya ka keenaan Baradhada, Bunka iyo Sareenka, halka dhinaca Soomaaliyana ay ka qaadaan waxyaabo aan laga helin dalka Itoobiya sida dharka, gaadiidka iyo badeecooyin kale.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip