
Markii ugu Horeysay ayaa Gudaha Dalka Soomaaliya uu ka qabsoomayaa Tartankii Ciyaaraha Goboladda Dlka Gaar-ahaan Gobolada Dhexe,Bari iyo Koonfurta Soomaaliya Sida ay Sheegeen Mas,uuliyiinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbada Cagta iyo Guddiga Qaban-qaabada Ciyaarha Goboladda ee Puntland,
Wasiirka Ispoortiga Punt-land Maxamed Nuur Xersi Iyo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbada Cagta Md,Saciid Maxamed Mugaaambe ayaa si wada jir ah u Shaaciyay in 15-ka Desember ee sanadkan ay si Rasmi ah Garoonka Kubbada Cagta ee Mire Aware uu uga furmi doono Tartanka Gobolada Dalka o ay iska Kashanayaan Labada Dhinac.
Tartankan oo ay kazoo qeybgalayaan 15 gobol oo ka kala imanaya 5 punt-land ah iyo 10 Gobolada Dhexe iyo Konfurta Soomaaliya ah ayay Labada Dhinac ee Xiriirka iyo Puntland u Qeybsadeen in Xiriirku Diraariyo habeynta Ciyaartooyda,Dayactirka Garoonka,Qalabka Ispoortiga,Koobka iyo abaal marinada la Bixinayo,Halka Mamulka Punt-landina uu Diyaar la yahay Qabillaada iyo Dejinta 289 Xubnood iyo 17 Mas,uuliyiin oo kasoo Qebgalaya Tartanka,Diyaaradaha soo Qaadaya,Caafimaadka,Nabbad-gelyada IWM.
Tartankan Ciyaaraha Gobbolada Soomaaliya ayaa Hadii uu u hirgalo Sidii loogu Tala galay uu noqonayaa mid Tariiqda Baal dahab ah ka geli dona markii ugu Horeysay uu Qabsoomo Tartankaasi oo u Dambeysay Wagii Xukuumadii Fudeydka loo Riday oo iyadu Qaban jirtay Sanad Walba Tartankii Ciyaaraha Goboladda Dalka oo Aha mid Xiiso leh.
Dhinaca Kale Qabanqaabada Qabsoomida Tartankan Ayaa loogu Mahad-celiyay Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo Kaalin weyn ka Qaatay Abaabulka Kulanka Mas’uuliyiinta Isboortiga labada Dhinac isagoo Horay u Qabanqaabiyay Shirkii Ugu Horeeyay ee Haween Soomaaliyeed oo ka kala Yimid Dalka iyo Dibada uu dhawaan ka Dhacay Puntland ay noqotay Iskoor uu Dhigay Mas’uul Soomaaliyeed oo Daacad u ah Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.
Puntland iyo Tartanka Gobolada Dalka Somaliya