Warsaxaa-fadeed ay Soo Saareen Beesha Mudulood oo Ku Socda Dowlada Federalaaka Iyo Gudiga Madaxa Banaan ee Loo Magacaabay Gobolka Banaadir.

0
Friday October 17, 2008 - 11:32:25 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warsaxaa-fadeed ay Soo Saareen Beesha Mudulood oo Ku Socda Dowlada Federalaaka Iyo Gudiga Madaxa Banaan ee Loo Magacaabay Gobolka Banaadir.

    Warsaxaa-fadeed ay Soo Saareen Beesha Mudulood oo Ku Socda Dowlada Federalaaka Iyo Gudiga Madaxa Banaan ee Loo Magacaabay Gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warsaxaa-fadeed ay Soo Saareen Beesha Mudulood oo Ku Socda Dowlada Federalaaka Iyo Gudiga Madaxa Banaan ee Loo Magacaabay Gobolka Banaadir.

 

 

KU: R/Wasaaraha Dowlada KMG Md. Nur H. Hussein (Nur Adde)

KU: Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee Gobolka Banaadir Md. Ibrahim Sheik

 

 Marka ugu horeysa waxaan halkan ka cadeynaynaa inaan taageersanahay Dowlada Federaalka ah, waligeedna ay Beeshu soo dhaweyn jirtay dowlad kasto oo dalka laga dhiso.

 

 

Waxaa qadka Teleconference kulan xaasaasi ah ku dhex maray aqoon yahanada, culuma’udinka, waxgaradka iyo masuuliyiinta qaar kuwa ugu sareeya beesha Mudulood kuwaas oo ku kala nool United States, Canada, Yurub, South Africa iyo Dalka Sooomaaliya, Muqdisho masuuliyiin sar sare waxay xaadir ku ahayeen Qadka. Kulankaas waxaa shir gudoomiyay Gudoomiyaha Beesha Mudulood ee North America Caaqil Xaji Max’ud Ali Jimcaale (Caaqil Koogaar). Kulankaa aayaa waxaa lagu lafo Guray. Arimo u badan Gobolka Banaadir oo baryahan faraha ka baxay. Waxaana kulankaas dood dheer ka dib waxaa su’aalo iyo xogwareysi ay ku sameeysay beesha Mudulood masuulka ugu sareeya Gobolka Banaadir ahna Gudoomiyhii hore ee Gobolka Banadir Md. Mohamed Omar Habeb ( M. Dhere)  iyo Sheika Muudeey Gacal. Waraysi iyo dood ka dib

Qodobada ay beeshu go’aansatay waxay kala yihiin sidan

 

·         In hadii uu R/Wasaare Nur uu go’aamiyo in 4.5 uu u qaybiyo ama in kuriga Gobolka Lakala qaado gudoomiyaha iyo duqa in Beesha Mudulood kalsoonida kala noqon doonto kana fiirsan doonto arimaha dowlada KMG.

·         In Gudiga madaxa Banaan ee loo Magacabay Gobolka Banadir ay qalad tahay inay waraaqaha aqoonsiga ka qabtaan ruux aan u dhalan Gobolka Banaadir.

·         In Gudiga Madaxa Banaan aysan kala qaadin lana kala gooyn Gud. Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada qasabna ay tahay iyo lagama maarmaan inuu mudanahaas noqdo Beesha Mudulood.

·          In R/Wasaara Ku Xigeenka ahna Wasiirka Warfaafinta iyo Sportiga Md. Axmed C/Salaan uu faraha kala baxo Gudiga Madaxa Banaan wax talo ahna uusan siin Karin sida ku cad xeerka ay ku shaqeeyaan Gudigan

·         In axmed C/salaan ay dowlada wax ka qabato faro gelinta Qaawan iyo warxumada uu ku hayo gudigan madaxa banaan.

·          In aysan Muqdisho noqon Karin gobol Federaal ah laakin ay wax la qabi karto dhamaan gobolada kale ee Federaalka ku hela qaybtooda.

·         Beeshu waxay soo jeedinaysaa in R/Wasare Nur Cadde uu la shaqeeyo xushmeeyana Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Md. Mohamed Dheere kana Fogaado xubnihiisa wasiirada kuwa ka mid ah ee u kala dab qaada isaga iyo Gudoomiyaha.

 

Maalmaha na soo hayana waxay beesha xog waraysi iyo su’aalo waydiin doontaa R/Wasaare Nuur Cadde. Isla markaana Beesha waxay u gudbi doonta inay la hadasho M/weynaha iyo Gud. Barlamaanka iyo Xubnaha Barlamanka ugu Jira Beesha Mudulood.  Waxayna Beeshu magacaabi doonta gudi kooban horayna ula socday arimaha Gobolka kuwaas oo la socon dona dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee ka socda.

Shirkaas waxu ku dhamaaday is afgarad waxaana soo qaban qaabiyay soona abaabulay gudi ka kooban aqoon yahanada, culuma’udiinka iyo waxgaradka beesha Mudulood.

 

Hadaba madaxdii, aqoonyahanadii iyo waxgaradkii ka soo qayb galay shirkaas waxay u mahadcelinayaan dhamaan intii fikirkooda nadiifka ah ka dhiibatay shirkaas.

 

Mahadsanidiin.

 

W/D: Muqtaar Ahmed Mohamud “Katiitow”

 katiitow@yahoo.com

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip