Barre Qooje oo ah Madaxa ammaank Magaalada Baardheere oo ayaa sheegay in go’aano ay ka soo saareen hubka lagu dhex heysto gudaha magaalada dadka in aysan ka soo bixin guryahooda kuwa ku soo galayana ay hubkooda soo mariyaan xarunta Saldhiga si loogu sharciyeeyo.
Madax Amaanka waxaa uu sheegay in maamulkooda inta ay hayeen hogaanka ay Qaadeen dacwado ka badan 300-oo kiis isla markana ay xugmiyeen in ka badan 200- danbi inta hartayna ay dhawaan ay soo afmeeri doonaan,waxana uu sheegay in danbiyada ay qaadeen ay u badan yihiin isqabqabsi ku aadan dhul iyo dhulbeereed iyo dacwooyin kuwaasi la mid ah.
Iyadoo Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo mudo ka yar asbuuc gacanta ku haya Maamulkas waxaa ay magaalada ka qabteen waxyaalo kala duwan Waxaana ka mid ah in ay dib u soo celiyeen nidaamkii iyo kala danbeeyntii magaalada iyo arimaha ammaanka iyo weliba furitaanka Garoonka Diyaaradaha ee magaaladaasi.
Magalada Bardhere ee Gobolka Gedo oo laga mamnucay qadashada qoryaha aan sharciyesnen
Maamulka ka arimiya Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa soo saaray go’aan uu ku mamnuucayo in hub aan sharciyeeysneeyn lagu dhex qaato gudaha magaaladasi.