Dhulki Safaarada Somaliya Ee Nairobi Oo Dib loo soo celiyay

0
Tuesday December 07, 2010 - 21:26:58 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhulki Safaarada Somaliya Ee Nairobi Oo Dib loo soo celiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa go'aan ka gaartay guriga safaaraddii hore ee Somalia ay ku lahayd halkaas, kaasoo uu iibsaday nin u dhashay dalka India, balse haysta dhalashada Kenya.


Xaakinka Maxkamadda, ayaa markii ay maxkamaddu saakay furantay akhriyay qoraal ku saabsan dacwooyinka maxkamadda oo soo socotay 15-sano, wuxuuna ugu dambeyn ku dhawaaqay in Milkiyadda Safaaradda ay leedahay Soomaaliya.


Safiirka Somalia ee Kenya Maxamed Cali Amerika oo la hadlya saxaafadda markii xukunka lagu dhawaaqay ayaa sheegay in go'aankan uu yahay mid taariikhi ah, isla markaana ay aad ugu faraxsan yihiin.


Boqolaal qof oo Somali ah, ayaa bilaabay damaashaad markii xukunka uu dhacay, kuwaasoo ku sugnaa afaafka hore ee maxkamadda sugayayna sida uu go'aanku u dhacayo, iyagoo tagay guriga safaaradda halkaasoo laga taagay calanka Somalia lagana qaaday heeso.


Dhismaha safaaradda ayaa waxaa sannadkii 1995-kii iibsaday safiirkii Somalia ee xilligaas u fadhiyay dalka Kenya oo lagu magacaabo Axmed Sheekh Maxamuud, iyadoo ninkii iibsaday oo ku sugnaa Maxkamadda uu sheegay inuu dacwad cusub furayo, balse maxkamadda ayaa arrintaas ka diidday.


Guriga oo ku yaalla bartamaha Nairobi, ayaa dayacan, sida ay mas'uuliyiinta safaaradda Somalia u sheegeen saxaafada, waxaana gurigu uu ahaa mid aan la daganayn tan iyo markii ay dacwaddiisu billaabatay.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip