General Nathan oo Cambaareeyey duqeyntii shalay loo geystay Xerada xalane

0
Thursday December 30, 2010 - 14:17:07 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    General Nathan oo Cambaareeyey duqeyntii shalay loo geystay Xerada xalane

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War saxaafeed ka soo baxay taliyaa ugu sareeya ciidamada Midawga Africa ka jooga Somalia ee AMISOM Major General Nathan Mugisha ayaa waxaa si weyn loogu cambaareeyay duqeyn shalay galinkii dambe loo geystay Isbitaal lagu daweeyo dadka Somalida oo ku yaala Xeradda Xalane oo ah xarunta ugu weyn AMISOM ay Muqdisho ku leeyihiin.

Major General Nathan Mugisha taliyaha aMISOm waxaa uu war saxaafadeedkiisa ku sheegay in madfac uu sheegay inay soo ganeen Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab uu ku dhacay goob lagu daweynayay dad qaba xanuuno kala duwan oo Somali ah waxaana uu sheegay in madfacaas uu sababab dhaawaca 4 ruux oo Sadex ka mid ah ay caruur yihiin iyo qof da’a ah, waxaana uu sheegay inaysan jirin wax wayeelo ah oo soo gaaray ciidamada AMISOM ee gobta ku sugnaa.

Taliyihu waxaa uu sheegay in 4 ruux ee dhaawacantay ay durbaba gurmad u sameeyeen haddana ay xaaladoodu degen tahay sida uu sheegay waxaana uu intaa ku daray inay ka xun yihiin in la waxyeeleeyo dad rayid ah oo aan waxba galabsan sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba xaal ha ahaatee Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab ayaa war ay kal hore soo saareen waxaydadka uga digeen inay daawooyin u doontaan Xarumaha ay AMISOM Muqdisho ku leeyihiin waxaana dhinaca AMISOM lagu eedeeyaa inay si aan kala sooc laheyn madaafiic ugu ridaan goobaha shacabku ku badan yahay xilliyada la weeraro fariisamahooda.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip