Alshabaab oo dhacdooyin yaab leh ka bilaawday Suuqa Bakaaraha

0
Thursday December 30, 2010 - 15:15:28 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alshabaab oo dhacdooyin yaab leh ka bilaawday Suuqa Bakaaraha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa shalay iyo maanta ka bilawday suuqa weyn ee Bakaaraha howlgal ay wadaan dhalinyaro ka tirsan Al-shabaab oo dadweynaha weydiinayay su'aalo diini ah iyo taariikhdii hore ee Islaamka. 

Su'aalaha dadka la weydiinayay ayaa waxaa ka mid ahaa qiritaanka Towxiidka, shanta tiir ee islaamka, magacyada Rususha Alle, inta kutub ee soo degtay, taariikhda Jihaadka iyo saxaabadii ku shuhada qaadatay kuwaasoo qofkii garan waaya lagu dhufanayay karbaash aan tirsaneyn, iyadoo lagu amarayay in ay bartaan Tiirarka Islaamka.

Dhacdooyinka yaabka leh ee shalay iyo maanta ka socda Suuqa bakaaraha ayaa waxaa ka mid ah in dadka Salaada u socda la farayo in loo qabto towxiidka taasoo ka fajacisay dadkaasi, iyagoo u qaatay in shaki la geliyay Muslinimadooda.

Dhacdadan ayaa imaaneysa xili la sheegay in ay isku biireen xarakada Shabaab iyo xisbigii lala wareegay ee Xasan Daahir uu hogaamin jiray, iyadoo dad goob joogayaal ahina ay sheegayaan in howshaasi ay wadaan katiibada Milatu Ibraahiim ee fadhigoodu yahay deegaanka Deyniile, kuwaasoo ah mid ka mida Firqooyinka qarsoon ee Xarakada Shabaab.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip