Xuseen Maxamed Ceydiid oo ka mid ah xubnaha Isbahaysiga ee fadhigoodu yahaya Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa sheegay inuu isagu shir gudoominaayay shirkii xilka looga qaadayay Sheekh Shariif Sheekh Axmad iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.
“Laba Shariif waxey galeen Qiyaano Qaran, xilkii Isbahaysigana waa laga qaaday, waxaana Gudoomiye loo doortay inuu Isbahaysiga ka noqdo Sheekh Xasan Daahir Aweys, waxana sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Dhexe loo doortay inuu isagana noqdo Shariif Saalax Maxamed Cali” ayuu Yiri Xuseen Caydiid.
Xuseen Ceydiid waxa uu sheegay in isbahaysiga Dib u xoraynta Soomaaliya loo sameeyay wax uu ugu yeeray in cadowga dalka looga saaro, balse waxa uu sheegay In laba Shariif ay ka weecdeen hadafkaasi loo unkay Isbahaysiga.
“Halganka waa soconaa, , Ummadda Soomaaliyeed waxey diyaar u tahay inay cadowga ka saarto dalka Soomaaliyeed, waxey ku dhqaaqeen laba Shariif wax lid ku ah Halganka Isbahaysiga iyo kan Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Xuseen Caydiid oo sheegay in dastuurka Isbahaysiga uu qorayo cid kasta oo ku xadgudubta uu waanaayo xilkiisa.
Xuseen Ceydiid waxa uu sheegay in uu soconaayo qorshahii halganka, islamarkaana uu shaqeynaayo hada wixii ka dambeeya hogaanka Cusub Ee Isbahaysiga oo uu sheegay in cod buuxa lagu ansixiyay.
Dhinaca kale waxaa dadka siyaasada idha indheeyo is weeydiinaayaan Xuseen Ceydiid mar walbo maxuu uga noqdaa nabarka tobanaad mid ka ciyaaro kooxaha uu soo kala dhax galo qilaafaadka siyaasadeed ee somaaliya.
Xuseen Ceydiid “ oo sheegay In laba Shariif ay ka weecdeen hadafkaasi loo unkay Isbahaysiga.
Xuseen Maxamed Ceydiid oo ka mid ah xubnaha Isbahaysiga ee fadhigoodu yahaya Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa sheegay inuu isagu shir gudoominaayay shirkii xilka looga qaadayay Sheekh Shariif Sheekh Axmad iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.