Qoraalkan oo ahaa Taxane sanadadii la soo
dhaafay waxaan ka qoray ismaandhaafkii maxaakiimta, dhibaatada qaxa iyo qurbaha
iyo kooxaha ku hardayaa dalka waxaana uu dhacayay qaab wada
sheekaysi ama dood ah oo ay is waydaarsanayaan hadba qolada uu khuseeyay
bal hadaba qaybtan oo maanta ay isku arkayaan Shacabka soomaaliyeed
ee mudada dheer dhibaatada ku dhex jiray ilaa hadana aan helin xalka
iyo Madaxda Dowlada ugu saraysaa iyo Golaha baarlamaanka oo ka wada
hadlayaa mudo arintan mudo kordhinta ah ee hada socota .
Sida aan wada ognahay waxaa kordhistay mudada
baarlamaanka soomaaliyeed iyaga oo aan qodob iyo sharci toona waafajin, sidii
ay ku wanaagsanayd una ekayd inay cadaalad noqon karto ayaa waxay
ahayd haddii xilku ka dhamaaday dowlada oo jirta ayaa waxaa
haboonayd in la casuumo waxgaradka aqoonyahanka iyo
hogaanka dhaqanka soomaaliyeed talada wax laga siiyo inta la helayo dal
madax banaan oo ay ka suuroobi karto doorasho xor ah.
Hadaba waa tan sheekadii oo dhexmaraysaa shacabka
soomaaliyeed ee mudada 20ka sano ah afduubka ku jira iyo Madaxda
sare ee Dowlada iyo Baarlamaanka. Sidan ayay u dhacday Doodii cajiibka
ahayd ee dhexmartay:-
Shacabkii :- waa su,aale maxaa loola dagaalamay ina siyaad bare ilaa maanta
ilaa maalintuu baxay ileen maanan arag doorasho shaqsi waliba
dookhiisa ciyaaro oo codkiisa dhiibtee?
Xildhibaan:- Maxaa dhacay saw anagu ma nihin golaha shacabka
umada soomaaliyeed ama golaha wakiilada oo idin ma metelno anagaa
soo dooranay dowladan iyo tii ka horeysay iyo kuwii ka horeeyay anaga ayaa idin
matalna nin waliba oo xildhibaan ah beel ayuu metelaa markaa shacabka
codkoodii waxay u dhiibteen xildhibaanada anagaa
idiin maqan ee naga war sug waa toosaysaa xaajadu.
Madaxweynaha:-xildhibaan waa runtaa laakiin sheeko ayaan kuu hayaa dastuurku waa is
afgarasho iyo isfahan waxaan doonayaa aniga oo ku hadlayaa magaca umada
soomaliyeed magaca xukumaada soomaaliyeed magaca ciidamada dalka
magaca Qaranka soomaaliyeed magaca Ciidama Amison inaad sida
hagarla,aanta aad ugu codayseen xilkiinaa aniga iigu codaysaan sadexsano
oo kale si aan bahasha cagaha ugu taagao aniguna cagaha isugu
taagao caalamkuna wax muuqda i tusno labada daarood daar uun aan ku darno
dadkan soomaaliyeed .
Shacabka :- walee waa yaab oo adna ma sadex sano oo xaaraan ah oo kale ayaad
doonaysaa waxba kama qabnee waan idinla xisaabtamaynaa ee tarabuunka
isugu keen keena dhamaan xildhibaanada iyo madaxweynaha , Ra, iisal
wasaaraha iyo wasiirada oo dhan fagaare ayaan ku kala baxaynaa
hadaad doonaysaan in mudada laydiin kordhiyo oo waxaan qabanaynaa
doorasho xor ah oo qof iyo codkiisa ah caalamkuna wa inagu taageerayaa!!
Xildhibaan:- weger weger war muxuu yidhi tarabuunka ,
xaguu ku yaala tarabuunku ma kii hore ee qabuuraha laga dhigay ayuu
sheegayaa hadana miinadu ku aasan tahay ninkani waaba
alshabaab ee shacab maaha shirqool ayuu wadaa oo waxuu u dan leeyahay
madaxda dalka inuu shabaq miinaysay dhexgeliyo oo halkaa ku
dhintaan qaranku halkaa ku dhamaado.
Madaxweynaha:- Maya u kaadi xildhibaan waa riyo wanaagsan aniguba waan ku
riyooday habeen hore aniga oo fadhiyaa tarabuunka oo salaan ka qaadanayaa
ciidamada Xooga dalka , Booliiska , Amison iyo maleeshiyo beeleedka
, degmooyinka oo dhan , sida Cakaara, Jiiro garoob, ayaan
daran, alcadaala, barmuuda, gubta , xaliimo hayti, iyo qaar
kale oo badan markaa inshalaah dheh waa hadal wanaagsane dadkoo
dhami maaha alshabaab , alshabaab laftoodu waa shacabkii oo la qalday way
i fahmi doonaan haddii sadexdaa sano la helo waayo waxay is leeyihiin iska
mucaarada waqti fiican ma haysto , wadahadal ayaa noo socda waan dhamayn
karaynaa xaajadooda.
Shacabkii:- Walee waa yaab ninkii xildhibaanka ahaa
waxuu yidhi haddii xildhibaan dhinto dalka waa u
dhamaatay qarankana waa u dhamaatay hadduu shacabku dhintona isagaa
iska dhintay ee dalka iyo dadka kama dhiman waa dhibaatada baaxadeeda leh .
Ninkii kale waxuu yidhi waxaan ku riyooday iyada oo
aan salaan ka qaadanayo Ciidama soomaaliya iyo
Amison , Ciidamada soomaaliyeed waan Gartay oo waaba soomaaliye
Amison ma dalkay xaq ku yeesheen oo sida ay hada dowlada u
ilaaliyaan ayay isaga joogayaan waaba arin cajiiba riyadani wax
badan bay sheegaysaa degmooyinka jaale madaxweyne
aad sheegtay caasimada iyo dalka kuma yaalaan ee waa xaafado waqtiyadii dagaalka
magacyo loo bixiyay mana aha degmooyin diiwaan gashan . Nimankan
leh mudada noo kordhiyaa sadex midkoodna looguma kordhin karo
A: Waa niman aan lahayn wax wadaniyada
B : Waa niman aan aqoon u lahayn dalka iyo dadka
C : Waa niman aan ogayn halka xaalmarayo iyo
aduunba
Xildhibaan:- waxaa cajiib Horta madaxweyne riyadaadu waa fiican
tahay balse riyaadaada miyaysan ku jirin xildhibaaanada oo
dhinacyada kaa fadhiya oo iyaguna salaanta kula qaadanayaa anigu
waxaan taageersanahay madaxweyne in adiga laguu daayo ama inta hartay aad
dhamaystirto
Oo haddii nin kale la keeno waxaa laga yaaba
qorshahan iyo musalsalkan taxanaha ah ee ku meelgaadhka inuu fahmiyo
waayo inuu fahmi waayo xidhiidhka golaha baarlamaanka ,
madaxtooyada , wasiirada inuu fahmi waayo isfahanka dowlada
eek u dhisan
Qayladhaamiyo , qaado keligaa shacabka ka
qari oo hadana qadi
Mudane madaxweyne waad ogtahay in xilka laguu kordhiyo
adiguna jeebka ayaad kordhinaysaa
Aduunkuna taageerada ayuu kordhinayaa
wadamada horumarayna dhaqaalaha ayay kordhinayaan
Amison mudada ayaa loo kordhinayaa iyaguna madfaca
ayay kordhinayaan , Mucaaradku weerarka ayuu kordhinayaa , shacabka
dhimashoodu way kordhaysaa,qaxa iyo rafaadkuna wuu kordhayaa wax
walba waa kordhayaan mudane !!!
Madaxweynaha:- Maxaa tiri xildhibaan warkaaga aad ayaan ula dhacay
waana hadal wanaaagsan waxii kordhayaaba ha kordhaane aniga
mudada ma ii kordhaysaa anigu hadalkaas oo keliya ayay dhegahaygu
maqlayaan , xildhibaan adiga iyo inta fekerkaas qabtaana wax walba waa idiin
kordhayaan xagayga, telefoonka aan kuwada hadlaynaa inta mudada la kordhinayaa
wuu kordhayaa kulamadaa iyo safarada aan isu raacaynaa waa kordhayaan ,
fiisayaasha, iyo casuumadaha laguu samaynayaa waa kodrhayaa haddee
kordhiyaa halaydiin kordhiyee
Markay halkaa xaalmarayo ayaa waxaa hadalkii soo galay
Ra,iisalwasaaraha oo ka yaabay meesha waxaa dhacayaa iyo isaga oo aan mar
qura hadalkiisa la soo qaadin
Ra,iisalwasaare:- waxaan mudo dhagaysanayay doodiina mudane madaxweyne iyo
mudane xildhibaan iyo shacabkaba hadana waxaa
hadalkiina ka waayay magacayga iyo arin igu saabsan
Markaa aniga maxaa mudo kordhinta ii diiday saw
kama mid ihi madaxda dalka waad aragteen
Inaan aaga hore iyo jiidaha hore filimaan ka soo
qaaday inaan dhexmaro shacabka inaan odayaasha iyo dhamaan golayaasha u
furay waji cusub inaan keenay siyaasad dhaqaaqaysa
Golahayga wasiirada inay ka aqoon badan yihiin
kuwii hore maxaa diiday in aniga sadexda sano laygu daro si ay
arintu dhinac isugu raacdo
Shacabkii:-Horta yaab nooma hadhin waxaa xaqiiq noqotay kelmadii soomaali
isku raacday ee ahayd cidina uma maqna ceelna uma qodna, markaa mudane
madaxweyne iyo mudane Ra,iisal wasaare iyo jaale
xildhibaan iska korodhsada kolay anaga dhib noo kordhayaa
maahee dheefi xagiina nooma kordhayso , teeda kale jaale ra,iisal
wasaare waad maqlaysaa hadalka xildhibaankee
Nimaan hadloon habartiis wax ma siisee , socodka
kordhi shirarka kordhi, sheekada kordhi , muranka kordhi, shaxaadkana
kordhi, halguu kordhiyee, qaabka wax loo kordhinayo kaama qarsoonaa
Cida wax kordhinaysaa kaama foga .
Hadaba waa suaale Aqristoow Dalka
soomaaliya sharci maka jiraa?
Umada soomaaliyeedse ma yihiin kuwa u diyaarsan
inay sharci wax ku hogaamiyeen qaab sharciya wax ku maamulaan?
Ragaaan is doortay
Dadkaw ha dooran
Amaba doorta
Waa Rag dooran
Isagu is doortay
In la doortana
Waxuu ka doorteen
Inay is doortaan
Cidina dooran
Ninkii mar doorta
Dhib bu u doortay
Ninki aan doorana
Dhibkaa u dooran
Dal aan la dooran
Aqoonin doorka
Doorashoo dhan
Dalkeena weeye
Dad aan is dooran
Aqoonin doorka
Dad isu doorto
Dadkeena weeye
Fiiro Gaara:- M jirto qof aan shaqsiyan ugu weerarayo
qoraalkayga balse waxaan ka diyaariyay wadciga ahda jira iyo xaalada dalku gebi
ahaan marayo inshalaah lana soco qaybaha danbe ee sheekadan
taxanaha ah:-
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Amakaaga shacabka iyo Aragtida ay Qabaan