BAKAARHOOW MAXAA WAX LAGUGU BI'YAY!!!

0
Wednesday March 02, 2011 - 22:02:47 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BAKAARHOOW MAXAA WAX LAGUGU BI'YAY!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa gogkhiyaano ha qodin hadaad qodana ha dheerayn ku dhici doontidaana lama oga, sideedana waxaa la yiraahdaa soomaalidu been waa sheegtaa laakiin kuma maahmaahdo.

Waxaan akhriyay warar ku qornaa qaar kamid ah webside-yada dalka kuwaas oo ka hadlayay hakad ku yimid ganacsigii iyo dhaqdhaqaaqii suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxaanan xusuustay in uusan arinkaas ahayn mid ku yimid kadis ama ahaa lama filaan bal waxaan u arkay anoo ka xun, in uu yahay arin ka dib dhacay waqtigiisii.

Marka aan saas leeyahay maaha in aan ahay nin ku faraxsan waxa haysta suuqa laakin waxaan ahay nin ka xun wixii ka dhici jiray iyo sidii looga aamusay oo aan wax looga qaban.

Suuqu ma ahayn suuq caadi ah laakiin wuxuu ahaa suuqa haga siyaasada Muqdisho ka jirta iyo guud ahaan koofurta Soomaaliya markastana wuxuu lahaa midab gaar ah oo aan ahayn kii aad ku ogayd.

Dagaaladii sokeeye ee ka dhacay muqdisho 1991-1992dii suuqu wuxuu ahaa saldhig uu adeegsaday mid ka mid ah dagaal oogayaashii isku haystay citintii uu ka tagay Siyaad bare.

Sidaas oo kale xiligii qabqablayaasha suuqu wuxuu ahaa mid ay dhaqaale fara badan ka heli jiren kooxihii markaas gacanta ku hayay.waxa kale ee uu ahaa goob ay u soo ugaarsi tagaan dablayda doorsoontay kuwaas oo Mobilada uga dilan jiray dadka iridaha suuqa looga boxo taas oo aad galab walba ama dhowrkii saacadoodba mar aad ku arkaysay suuqa dibadiisa ama gudahiisa maydad aan haybtooda la garan kuwaas oo laga dishay mobile.

Waqtigaas majirin cid u istaagtay wax kaqabashada amuurahaas sidaas oo kale suuqu wuxuu ahaa mucaaradka dowlad walba oo dhalata sida maantaba uu yahay mararka qaarna waxaad moodaysay in suuqu ku jirto dantiisa ama jiritaankiisaba dowlad la'aanta.

Suuqu wuxuu ahaa sidaas oo kale saldhigga ugu weyn oo ay adeegsadaan kooxa dimeedka qaybahooda kala duwan ,sidaas oo kale wuxuu ahaa saldhigii Alqaacida ka soo gashay dalka iyo halkii ay isku uruursan jireen kuna askarayn jireen dhalinta dhaqaalana ku urursan jireen.

Waxyaabaha igu reebay murugada oo aan ku xasuusan doono suuqaas waxaa ka mid ah 2007-dii xiligii ay dalka joogeen ciidamadii ku soo duulay dalka ee Itoobiyaanka ahaa kuwaas oo sida aan ognahay gacan siinayay dowladii C/hi Yuusuf sida ay maantaba utaageeraan Ugaandheeska iyo wadamada kalba dowladda Sheekh shariif, ayaa waxaa dhacday in laba wiil oo ka soo jeeday gobolada Baay iyo Bakool in lagu dilay iyadoo uu maydkoodu yiilay 24 saac waxaana lagu shegay in ay ahaayeen Itoobiyaan laakiin runtu waxay ahayd in ay wateen lacago doolar ah sababta loo dilayna ay ahayd taas si lacagta looga dhoco.

Waxyaabaha aanan u iloobayn maalintaas waxa ay tahay sida ay dadku ugu kor ganacsanayeen maydka dhalinyaradaas iyo sidii suuqa ay u taagnaan jireen wiilal bastoolado wata kuwaas oo dili jiray cid walba oo soo gasha suuqa loona arko in ay tahay cid aan la garanayn.

Taas waxaa ka sii yaab badan in suuqu saldhig u ahaa amiirkii maxaakiimta u qaabilsanaa in uu saxiixo dadka ay tahay in la dilo loona gayn jiray dadka lasoo qabto amaba horay u baxshay amarkii lagu dilayay qofwalba oo loo arko in uu xiriir la lahaa Dowlada Yuusuf kaas oo ahaa waziirkii arimaha gudaha ee Dowlada sheekh Shariif ee tan ka horeysay.

Waxaa kale ee ka dhici jirtay suuqa gaar ahaan agagaarka shirikadaha Hormuud iyo Telsom in shirikadahaas hortooda maalin walba lagu hayn jiray dhaln yaro laga xiray indhaha iyo gacmaha kuwaas oo loo diyaarin jiray in la toogto kuwaas oo lagala degayay basaska ama laga soo ururin jiray iridaha laga soo galo suuqa.

Waxyaabaha aan ku xasuusan doono suuqaas waxaa kale oo ka mid ah maalin lagu dilay suuqa wiil koronto yaqaan ahaa oo degenaa degmada shibis una tagay suuqa in uu ka soo iibsado adeeg ku saabsan qalabka korontada ayaa markii la arkay wiilka in dhinaca xiga kilidiisa midig ay wax ka buuran yihiin wejigiisuna noqday mid aan la aqoon ayaa waxaa daba galay laba wiil isagana markii uu arkay rag ku daba jira ayuu baqay oo cararay labadii wiil ayaa cayrsaday dilayna wiilkii kaas oo la oran jiray Yuusuf ayaa markii uu dhintay kadib ayay ku sameeyeen baaritaan waxaana u soo baxay in wixii ka buurnaa kilidiisa ay ahayd Kashawiito uu u isticmaalayay shaqadiisa.

Hadii aan doonno in aan ka sheekayno wixii bakaaraha lagu bi'iayay waxay ubaahan tahay buug amam buugag laakiin waxaan igu noqon doonin la yaab hadii suuqu noqdo lama degaan sababtoo ah Bakaaraha wuxuu ahaa welina yahay barta dalka laga burburiyay.



WQ: Xasan Mohamed.
xasanali11@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip