Maxaa looga hadlay Shirka Amniga Jubbaland + Sawirro

0
Monday November 05, 2018 - 12:37:25 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa looga hadlay Shirka Amniga Jubbaland + Sawirro

    Shirkan waxaa ka qayb galay dhamaan dhinacyada amniga ee Jubbaland ka howlgala iyadoo diirada lagu saaray qodobadii kal hore la isla qaatay iyo qaabkii waxyaabaha ka dhiman loo hirgalin lahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkan waxaa ka qayb galay dhamaan dhinacyada amniga ee Jubbaland ka howlgala iyadoo diirada lagu saaray qodobadii kal hore la isla qaatay iyo qaabkii waxyaabaha ka dhiman loo hirgalin lahaa.

Madaxweynahu wuxu ugu horayn Hay'adaha Amniga Jubbaland ka dhagaytsay howlgaladii ugu danbeeyay ee ay qaadeen Ciidamada Darawiishta iyo dardar galinta kuwa dhiman iyadoo sidoo kale lasoo jeediyay in la dhamaystiro waxyaabaha lagama maarmaanka u ah howlgalka.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu warbixin ka dhagaytsay Taliyaha Cusub ee guutada 11aad ee qaybta 43 ee Ciidamada xooga isagoo Taliyahu uu sharaxay dardar galinta iyo dib u habaynta lagu samaynayo Ciidamada SNA.

Sarakiisha Ciidamada AMISOM ee shirkan ka qaybta ah ayaa su'aalo laga waydiiyay waxyaabaha ka dhiman diyaar garowgooda iyo sidoo kale sidii howlgalka dhawaan la qaadi doono ay isugu diyaarin lahayeen waxaana ay sheegeen in ay arimo farsamo oo kaga dhiman talisyadooda ay sugayaan isla markana ay dardar galin doonan waajibaadka saaran.

Waxyaabaha ahmiyada leh ayaa kala ah isku furida Degmooyinka xorta ah gaar ahaan wadada Afmadow iyo Kismaayo oo ay ciidamadu maalmahii lasoo dhaafay howlgalo ka sameeyeen iyo sidii horay loogu socon lahaa xoraynta deegaanada kale.

Dhinaca kale Wasaarada Caafimaadka ayaa soo bandhigtay qorshaha Dhismaha Isbitaalka Ciidamada Jubbaland kaas oo hanaanka dhismahiisu uu yahay mid la amba qaadi doono dhawaan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip