Hotelka Ramadaan ee magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay kulan ururka Al-Shabaab uu soo qabanqaabiyay isla markaana lagu martiqaaday xubno ka tirsan beesha Muddulood ayaa looga dalbaday in beeshu taageero ka geysato halganka Shabaabka ugu jiro sidii uu ku qabsan lahaa xarunta madaxtooyada Villa Somalia iyo guud ahaan dalka oo dhan.
Shirkaan ayaa madaxda Al-Shabaab iyo xubnaha beesha Muddulood waxay isku afgarteen in beesha Muddulood ay taageero hiil iyo hooba leh ku taageerto ururka Al-Shabaab, waxaana sidoo kale ay sheegeen xubno aan caan ka ahayn beesha Muddulood dhexdeeda isla markaana halkaasi ka ballanqaaday inay ku garab gelayaan ururka Al-Shabaab dagaalada uu dalka ka wado.
Shirka laba geesoodka ahaa oo albaabada ay u xirteen, ayaa waxay sidoo kale labada dhinac isku afgarteen inay si wadajir ah isaga kaashadaan dagaal ka dhan oo ciidamada AMISOM lagu qaado ilaa iyo inta ay dalka ka baxayaan, hase yeeshee kulankaasi oo u muuqday mid lidi ku ah kulamo ka dhacay magaalada Muqdisho oo Imaam Maxamuud Imaam Cumar ku habaaray ururka Al-Shabaab.
Hase yeeshee xubnaha beesha Muddulood u matalayay shirka ay Al-Shabaab la qaateen ayaa cambaareeyay habaarkii Imaam Maxamuud Imaam Cumar uu u jeediyay ururka Al-Shabaab isla markaana Alle ka baryay in qamiisyadooda uu ku qufulo, waxaana mid ka mid ah odayaasha Al-Shabaab la kulmay uu sheegay in habaarkaasi uu aad ula yaabay.
Kulanka waxaa kale oo goob joog ahaa Sheekh Xasan Daahir Aways oo dhowaan Xisbigiisa ay la wareegeen Al-Shabaab, Guddoomiyihii hore ee walaayada G/Banaadir Shabaabka u qaabilsanaa Cali Maxamed Xuseen iyo Guddoomiyaha cusub ee Shabaabka uga wakiil ah G/Banaadir, waxaana shirkaasi oo ururka Al-Shabaab uu soo qabanqaabiyay ee shalay ka dhacay Hotelka Ramadaan ku soo beegmayaa laba sano kaddib markii ururka Al-Shabaab uu la wareegay maamulka gobolada iyo magaalada Muqdisho inteeda badan.
Maxaa Kajira In Alshabaab Taageero Weydiisteen Beesha Mudulood