Madaafiic maanta lagu garaacay Bakaaro oo qasaaro geesatay

0
Wednesday March 23, 2011 - 21:12:47 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaafiic maanta lagu garaacay Bakaaro oo qasaaro geesatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus


Inta la ogyahay 5-qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay ku dhawaad 30-kalena way ku dhaawacmeen Duqeyn maanta Ciidamada AMISOM ay ku garaaceen gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo la sheegay in dhamaantooda ay ku sugnaayeen Boosteejada gaadiidka laga raaco ee aada magaalada Baydhabo ayaa waxaa la tilmaamay in Madaafiic ka dhacaysay Xarumaha Ciidamada AMISOM ay ku hoobatay halkaasi.

Sidoo kale sraakiisha gadiidka gurmedka deg dega ee AMBALASTA ayaa waxa ay warbaahinta u xaqiijiyeen inay qaadeen dhaawaca 21-qof oo rayid ah islamarkaana ay arkeen dhimashada 5-qof oo iyana rayid ah oo ku sugnaa goobta madaafiicda ay ku dhacday.

Ilaa iyo hada ayaneyn jirin wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha AMISOM oo ku aadan duqeymaha Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho hase ahaatee duqeyntaan ayaa imaanaysa xili maalin ka hor Ciidamada AMISOM sidaan oo kale Madafiic ay ula dhaceen xaafado ku yaala Muqdisho kuwaasi oo qasaaro uu kasoo gaaray dad rayid ah.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip