Ciidama Alshabaab ee Magaalada Baydhabo maanta howlgalo lagu ay sameeyeen ku soo qabqabtay ganacsato iibisa qaadka
Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolak Bay ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay howlgalo dad lagu soo qab qabtay ka sameeyeen xaafado ku yaala Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.
Iyadoo dadka lagu soo qab qabtay howlgalada ayaa la sheegay in ay u badnaayeen ganacsato iibineysay qaadka kuwaasi oo la sheegay in qaadka ay ku gadayeen xaafado horay al Shabaab ay uga mamnuuceen.
Ilaa iyo 7 qof ayay ku soo qabteen Ciidamada Shabaab ee howgalada k sameeyay Magaalada Baydhabo iyagoo markii dambe ay dib u sii daayeen labo ka mid ah halka 5-tii kalana lagu xiray xabsi Al Shabaab ay ku leeyihiin magaaladaasi Baydhabo.
Si kastaba ilaa iyo hada ayaaney jirin cid ka hadasha oo ka tirsan shabab xariga maanta ay u geesteen ganacsatadaasi qaadka ku iibineysay degmadaasi
Baydhabo oo lagu xiray ganacsato qaadka iibisa