Kororso aqoontaada waa barnaamij xiiso badan oo aad noogaga barateen maalin kasta oo jimco ah, iyadoo uu barnaamijkani noqon doono mid ay si’ weyn u xiiseeyaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed haddii uu RABI Idmo.
Barnaamijkaan xiisaha badan ayaa wuxuu iskugu jiri doonaa Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini iyo Maadiba leh, iyadoo intoodu badan ay noqon doonaan kuwo Diini ah, si’ay uga faa’iideystaan Ummada Soomaaliyeed.
1-Su’aal Sheeg Salaadii ugu horeysay ee uu Tukaday Nebiga (NNKH)?
1-Jawab: Waa Salaadda Duhur.
2-Su’aal Sheeg qofkii ugu horeeyey ee Alla Dartiis u Jihaada?
2-Jawab: Waa Nebi Idiriis Cs.
3-Su’aal Sheeg Wadankii ugu horeeyey ee carbeed oo laga helay Shidaal?
3-Jawab: Waa Dalka Masar.
4- Su’aal Sheeg kumuu ahaa sir hayihii (Xog-hayii) Nebiga (NNKH)?
4-Jawab: Waxa weeye Xudeyfa Binu-Yabaan Rc.
5- Su’aal Sheeg qofkii ugu horeeyey ee Faras Fuula?
5-Jawab: Waa Nebi Cismaaciil Cs.
6-Su’aal Sheeg Magaca Asxaabigii la-oran jiray Saciid Al-khudriyi?
6-Jawab: Waxa la-oran jiray Sacad Binu Maalik Binu Sinan Rc.
7-Su’aal Sheeg Asxaabigii Nebiga (NNKH) yiri waxaa dileysa Koox Xad-gudubtay?
7-Jawab: Waxa weeye Camaar Binu Yassir Rc.
8-Su’aal Sheeg Sanadkii uu dhashay Sheekh Xasan Barsane?
8-Jawab: Wuxu dhashay sanadkii 1853-dii.
9-Su’aal Sheeg Sheekh Xasan Barsane magaciisa oo seddexan?
9-Jawab: Waa Sheekh Xasan Nuur Sheekh Axmed.
10-Su’aal Sheeg Sheekh Xasan Barsane Imisa sano ayu la-dagalamaayey Gumeystihii Talyaniga?
10-Jawab: Wuxu la-dagaalamaayey Mudo 30 sano ah.
11-Su’aal Sheeg xagee buu ku geeriyooday Sheekh Xasan Barsane?
11-Jawab: Wuxu ku geeriyooday Xabsiga Dhexe ee Magallaadda Muqdisho.
12-Su’aal Sheeg Sheekh Xasan Barsane Sanadkii uu geeriyooday?
12-Jawab: Wuxu geeriyooday Sanadkii 1926-dii.
13-S u’aal Sheeg Meesha uu ku dhashay Sheekh Xasan Barsane?
13-Jawab: Wuxu ku dhashay Tuuladda Barsane oo ka tirsan Gobolka SHabellada Dhexe.
14-Su’aal Sheeg oraah-dii Xikamadda laheyd ee uu yiri General Maxamed Siyaad Barre Markii
laga saaray Magaalladda Muqdisho?
14-Jawab: Wuxu yiri Dal waan ka tagay Balse dad kama aanan tagin.
Cudurdaar: Barnaamijkaan oo aad noogaga barateen in aan idiin soo gudbino maalmaha Jimcada ayanaan shalay inoo suuro gelin sidaa darteen maanta idiin soo gudbinay.
F.G Akhristayaal ha-moogaanina barnaamijkaan xiisaha badan oo aanu maalin kasta oo Jimcaha soo saari doono haddii uu Eebe Idmo.
Xasan Cadde
Hargeysa, Somaliland
Kedis114@hotmail.com
Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo Diini iyo Aqoon Guud Ah