Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire cusub

0
Monday November 05, 2018 - 18:32:20 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire cusub

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha ka guddoomay Danjiraha Dowladda Finland ay u soo magacawday Soomaaliya Mudane Erik Lundberg.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha ka guddoomay Danjiraha Dowladda Finland ay u soo magacawday Soomaaliya Mudane Erik Lundberg.

Danjire Erik ayaa Madaxwweynaha Jamhuuriyadda u gudbiyey farriin uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane Sauli Niinistö.

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Danjire Siciid Xaaji Maxamuud oo goobjoog ku ahaa munaasabaddan ayaa xusay taariikhda xiriirka labada dal iyo muuhiimadda ay leedahay in la dardar-geliyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Finland.

"Dalka Finland waxaan la wadaagnaa xiiir saaxiibtinimo oo ku suntan wakhtigii Soomaaliya ay xurriyadda qaadatay, maadaama ay ka mid ahaayeen dalalkii ugu horreeyey ee ictiraafa madaxbannaanideena. Sidoo kale waxa ay na garab taagnaayeen wakhtiyadii burburka iyagoo gacan ka gaysta ilaa haatan arrimaha caafimaadka, waxbrashada iyo gargaarka xaaladaha bini’aadantinimo.” Ayuu yiri Xoghayuhu.

Danjire Erik Lundberg ayaa uga mahadceliyey Madaxweyanaha Soomaaliya ka guddoomidda warqadahiisa aqoonsi ee Safiirnimo, isagoona tilmaamay in dalkiisa ay muhiim u tahay joogtaynta xiriirka labada iyo inuu noqdo mid ku salaysan iskaashi iyo xaqiijinta danaha labada shacab ee Finland iyo Soomaaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip