Indhacade “Goobo Horleh Ayaan Kala Wareegnay Khawaarijta”

0
Tuesday April 19, 2011 - 11:24:25 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 992
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Indhacade “Goobo Horleh Ayaan Kala Wareegnay Khawaarijta”

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jen.Yuusuf Maxamed Siyaad (indhacadde) oo ka tirsan Saraakiisha sare ee Ciidanadda Dowlada ayaa ka war bixiyay Dagaalo xalay iyo shalay ka dhcay qeybo ka tirsan Magaalada muqdisho kuwaa oo dhex maray Ciidanadda dowladda iyo kooxda shabaab.


(Kooxaha Qawaarijta ee Nabbad-diidka ah waxay shalay ku hungoobeen Weeraro ay soo qaadeen Cashar adag ayaana la siiyay,waxaana laga dilay 5 ka tirsan maleeshiyadooda,iyadoo lagala wareegay fariisimo ay horay u joogeen hal maxbusna waan ka qabanay)ayuu yiri Jen.indha cadde.


Sarkaalka ayaa sidoo kale Qeybaha Warbaahinta ku casuumay inay indhahooda ku arkaan qasaaraha gaaray kooxda shabaab iyo waliba qalabka iyo maxbuuska laga qabtay isagoo hoosta ka xariiqay in weerar kale ay xalay kusoo qaadeen fariisimada Ciidamadda dowlada kuwaa oo iyana ay ku hungoobeen.


Xalay iyo Shalay ayaa dagaalo kooban oo u dhaxeeyay Ciidamadda dowladda iyo Kuwa Xarakadda Shabaab ay ka dhaceen Xaafadaha Hodan iyo Howl-wadaag halkaa oo la sheegay inay ku dhinteen 6 qofood oo rayid ah tiro kalana ay ku dhaawacmeen in kastoo maanta ay xaaladdu degan tahay.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip