Mudaharaad uu si weyn u soo abaabulay ururka isbahaysiga umadda Soomaliyeed ee Sweden(Somaliska riksförbundet i Sverige) ayaa maantey ka dhacey Magaalada Stockholm ee Dalka Sweden. Mudaharaadkan oo ay ka soo qaybgaleen dad lagu qiyaasay 300-400 oo qof,dadkaasoosaakey saacadu markey aheyd 10:30ka subaxnimo isugu soo banaanbaxey fagaaraha weynoo lagu mudaharaado Myntorget kaasoo ka soo horjeeda baarlamaanka Sweden.Soomaalidii isugu soo baxdey mudaharaadkaas ayaa waxey ka kala yimaadeenmeelo badan oo dalka ka mid ah sida Göteborg, Linköping, Gävle, Uppsala Köping iyo magaalooyin kale iyagoo mudaharaadkooda ku muujinayey dhibaatooyinka balaaran ee heysta qoysaska Soomaaliyeed oo kala maqan kuwaas oo doonaya sidii aydib ugumidoobi lahaayeen.
Ugu horayntii waxaa mudaharaadka furay gudoomiyaha ururka isbahaysiga Sweden Abdullahi Mahamed oo ka waramay ujeeddada mudaharaadka iyo sida uu jadwalku noqonayo, ka dib gudoomiyuhu wuxuu ku soo dhaweeyey Shiikh Abdirashiid oo dagan magaalada Göteborg.
Shiikh Abdirashiid wuxuu aad uga hadlay dulqaadka iyo in wax kasta ay yihiin qadar Alle oo nala kaga baahanyahay dulqaad iyo adkaysi, shiikhu wuxuu u duceeyey Soomaalida dhamaantood in ay noqdaan kuwo wadajira oo wax wada qabsada. Sidoo kale waxaa mudaharaadka ka hadlay hooyooyin loo diiday ilmahooda kuwaas oo muujiyey dareenkooda ku aadan kala maqnaashaha qoysaska.
Saacadu markay ahayd labo iyo tobankii duhurnimo dhamaan Soomaaliddii ka soo qaybgashay mudaharaadka waxay galeen baarlamaanka Sweden, si ay u dhagaystaan doodaha ka socda baarlamaanka, kuwaas oo khuseeyey qaddiyada Soomaalida iyo guud ahaan qaxootiga dagan Sweden.
Ma aha markii ugu horeysey oo uu Ururka Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed ee Sweden qabanqaabiyomudaharaadnoocan oo kale ah ka dib markii ay soo baxdey diidmada qoysaska Soomaaliyeed ayuu horey isbaheysigu mudaharaadyo noocan oo kale ah ugu qabtey magaalooyin dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Göteborg, iyo Gävle.
Guddiga fulinta ururka isbahaysigu wuxuu u mahadcelinayaa qabanqaabayaasha mudaharaadka kuwaas oo kakala yimid magaalooyinka Göteborg, Stockholm, Linköping, Uppsala, Gävle, Käping.
Ibrahim Qalinle
Xoghayaha Warfaafinta
Ururka Isbaheysiga Ummada Soomaaliyeed Sweden
warsheekh.com-- Xafiiska Qaarada yurub
mudaharaad 4 maj ee ka dhacay baarlamaanka sweden oo ku saabsan arimaha soomaalida
mudaharaad 4 maj ee ka dhacay baarlamaanka sweden oo ku saabsan arimaha soomaalida