Sheekada ugu hadal heynta iyo xiisaha badan ee xilligaan Soomaaliya ka socoto waa kala aragti duwanaanshaha Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ee ku aadan qaabka looga gudbayo haddii uu dhammaado wakhtiga kala guurka oo haatan la tilmaamayo inuu ku eg yahay bisha Agosto ee sanadkaan, waxaana magaalada Muqdisho ka jira isbaheysiyo iska soo horjeeda, iyadoo qolo walba oo ka mid ah Xildhibaanada is gaashaan buureysanaya ay u rucleynayaan sidii uu meel mar u noqon lahaa fikirka ay aaminsan haddii uu yahay in bartamaha sanadkaan la qabto doorasho ama haddii uu ku saleysan yahay in muddo hal sano ah dib loo riixo doorashadaasi.
Inta badan Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee adduunka ka jira waa u caado inay mudanayaashu kala aragti noqdaan, hase yeeshee waxaa xeer ah haddii ay taasi oo kale dhacdo in la eedo rabitaanka iyo maslaxadda ummadda halka ay ku jirto, isla markaana laga wadahadlo arrinta lagu kala qeybsan yahay, waxaana suuragal ah haddii si daacadnimo ah loo eego labadaasi dariiq ama mikood la qaato in laga gudbayo kala qeybsanka muuqda, haddiise la isku sii dhegenaado iyadoo dan gaar ah la ilaalinayo waxaa qasab ah in la isla gaaro codeyn si loo kala baxo.
Waxaa wax laga xumaaddo ah Xildhibaanada Soomaaliya oo had iyo goor ku andacooda inay matalaan shacbiga Soomaaliyeed in hadana ay tixgelin waayaan rabitaanka dadkooda oo ah in la sii wado dagaalada socda ee dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, dibna loo dhigo doorashooyinka loo gelayo xilalka sasare ee Dowladda KMG ah, waxaana xaqiiqo ah in Xildhibaanada qaarkood ay dhegaha ka fureysteen maslaxadda dadkooda, halka Mudanayaal kalena ay ka muujiyeen wadaninimo iyagoo soo dhoweeyay talo soo jeedinta shacabkooda ee ah in Dowladda KMG ah la siiyo fursad hal sano ah.
Haddii aad dhageysato qalabka Warbaahinta ama aad daawato telefishinada la iska arko waxaa durbaba kaaga soo baxaya sida ay ummad weynta Soomaaliyeed u jeceshahay in xukuumadda KMG ah fursad loo siiyo sidii ay dib ugu soo celin lahayd amniga guud ee Soomaaliya, waxaana aabe iyo hooyo kasta ka maqleysaa sida ay u xiiseynayaan in loo qaato qorshaha Golaha Wasiirada ee ku saleysan hannaanka looga baxayo xilliga kala guurka, maxaa yeelay qorshahani ayaa noqday midka ugu dhowr ee xalka uu ku jiro, Soomaaliyana lagu badbaadin karo, waxaana haboon inay Xildhibaanadu akhriyaan doonitaanka dadkooda ee ah inta dalka laga xoreynayo in wax doorasho ah aan la qaban.
Sida ay marar badan ku celceliyeen xubno ka tirsan aqoonyahanada Soomaaliyeed waxa ay caddeeyeen inay adag tahay in qof qabiil lagu keenay inuu noqdo Qaran, sidaasi daraadeed waxay aqoonyahanadaasi farta ku fiiqeen Xildhibaan ku yimid 4.5 inaanu fahmi karin qaabkii uu uga jawaabi lahaa hadba baahida ay qabaan daka uu sheeganayo inay ugu liitaan, waxaana jiritaanka arrintaasi ka marqaati kaceysa xaaladda lagu jiro iyo sida ay Xildhibaanada qaarkood uga war wareegayaan inay u soo dhoweeyaan rabitaanka shacbigooda ee ku dhegan in hal sano loo kordhiyo hay'adaha dastuuriga ah, si qeybaha magaalada Muqdisho ka maqan iyo gobolada kaleba gacanta Dowladda KMG ah loogu soo celiyo.
Inkastoo Xildhibaanada sharta isku baheystay ee diidan danta dadkooda, kuna tasbiixsanaya Agosto iyo doorasho ayaa haatan waxaa muuqaneysa inaan fikirkooda maro ku dhegnimada ah sii shaqeyn karin marka loo eego arrimuhu sida ay u socdaan iyo qaabka ay wax isu biirsanayaan sida rabitaanka shacbiga Soomaaliyeed, doonitaanka beesha caalamka iyo taageerida Dowladaha Midowga Afrika iyo kuwa IGAD ee ah inaan marnaba la doc wareerin guulaha ay ciidamada AMISOM iyo xoogagga Dowladda KMG ah ay ka gaareen goobaha dagaalka, tani ayaa ka dhigeysa xildhibaanada sharta ku bahoobay inuu xusul-duubkooda ah ee Agost iyo doorasho inay noqonyso bar kuma taal iyo webi bacaad ku dhammaaday oo kale.
Marka la qiimeeyo sida ay wakhtigani wax u socdaan iyo hadallada ka soo baxaya beesha caalamka waxaa la saadaalinayaa in shir ballaaran dalka dibadiisa loogu qabanayo dhinacyada is diidan ee dowladda KMG ah, waxaana ujeedada shirkaasi ay tahay in la wadahadalsiiyo Golayaasha Fulinta iyo Baarlamaanka si ay heshiis uga gaaraan nooca ay noqoneyso tallaabada la qaadayo, haddii la gaaro dhammaanshaha xilliga KMG ah oo ku asteysan bartamaha sanadkaan.
Alla...maxaa wakhti madow ku bilaaban doonaa Xildhibaanadii horay u diidaan inay xukuumadda wadahadal la furto si looga arrinsado aayaha Soomaaliya, kuwaasi oo haatan qasab ay ku noqon doonto inay xukuumadda KMG ah kula soo hadlaan dalka dibadiisa iyagoo aan diidi karin marka ay dhowaan madaxda QM iyo kuwa IGAD ay farta ugu yeeraan si looga wada xaajoodo qaabkii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhaxeeya dhinacyadaasi.
Wada xaajoodkani la doonayo in la isugu keeno xukuumadda iyo Baarlamaanka oo wakhti xaadirkaan ay muuqato sansaantiisa ayaa haddii la eego ku tala galka ay wataan madaxda IGAD iyo kuwa Midowga Afrika ee laga sugayo inay qabtaan shirkaasi si ay beesha caalamka go'aan uga gaarto arrimaha Soomaaliya, waxa uu ajandahoodu yahay inaan marnaba la dhantaali karin horay u socodka ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah, haddii qodobkaasi miiska la soo saaro waxa ay la micno tahay in la qaatay talo soo jeedintii xukuumadda KMG ah ee ku qotontay in ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda fursad 12-bilood ah loo siiyo sidii ay uga adkaan lahaayeen Al-Shabaab, iyagoo mudadaasina diyaarinaya goob amni ah oo doorasho ay ka dhici karto.
Soomaalidu waxay tiraahdaa "Biyo waa kuwii meel godan isugu taga" taasi waxaa maanta la macno ah in adduunkii uu isugu imaanayo taladii xukuumadii Federaalka KMG Soomaaliya ee ahayd in hal sano dib loo dhigo doorashada, sidaasi awgeed waxa ay arrintu taagan tahay Xildhibaanayahow FADA AMA HA FADININA WALLEE HALKA SANO WAA LA IDIN FADSIIN!! oo dhigmeysa Raba ama ha rabinina halka sano waa la idin fadsiin.
Waxaa Qoray: Yaasiin Xasan Cali
Yaaska56@hotmail.com
Fad ama ha fadin halka sano waa lagu fadsiin!! =Faallo=