Siyaaradii 27aad ee Caalimkii Weynaa Sh: C/man Sh: Cumar iyo tii 8aad ee Sh: Muxumed Sh: C/raxman 1429H iyo 2008

0
Wednesday July 23, 2008 - 20:18:05 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3947
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradii 27aad ee Caalimkii Weynaa Sh: C/man Sh: Cumar iyo tii 8aad ee Sh: Muxumed Sh: C/raxman 1429H iyo 2008

    WARSHIIKH, SOMALIA x 14/12/1428h-24/12/2007. Taariikhda kor ku xusan ayaa waxa ay tahay mid fac weyn isla markaan ruux waliba oo ay ku dheertahay xadaarada diinka islaamka gaar ahaan soomaaliya waxa durba oo xasuusanayaa xiliyadaani in ay tahay Siyaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WARSHIIKH, SOMALIA x 14/12/1428h-24/12/2007. Taariikhda kor ku xusan ayaa waxa ay tahay mid fac weyn isla markaan ruux waliba oo ay ku dheertahay xadaarada diinka islaamka gaar ahaan soomaaliya waxa durba oo xasuusanayaa xiliyadaani in ay tahay Siyaaraadka qaar ka mid ah Culimada Ahlu Suna Waljamaac gaar ahaan Daruuqa Suufiyah,.

 


 
Sanadkiiba Mar ayaa xiligaan oo kale waxa ka dhaca Guud ahaan daafaha Caalamka Gaar ahaan Dalka Soomaaliya oo ay ugu weyntahay Xaflada Lagu qabto  Degmada Xeebta ah ee Warsheekh oo qiyaarti  65K/m ujirta Magaalada Caasimada ee Muqdisho, SIyaaraadka Masha’iqda Soomaaliyeed  ee Ahlu Suna Waljamaaca Sheekh C/raxman Bin Sheekh Cumar (Sh: Cabdi Celli) iyo  wiliga uu dhalay Sheekh C/raxaman ee Sheekh Maxumud Sheekh C/raxman Sheekh Cumar.

Mudada ay socoto Siyaaraadka Masha’iqda oo ah mudo bil ah ayaa waxa halkaa lagu soo bandhigaa Qur’aan Aqris iyo Tawasalka Owliyada Ilaahey taa oo Dadka iyo dalka Soomaaliya guud ahaan Caalamu Islaamka eebe loogu baryo in danbi dhaaf ku siiyo meel kasto oo ay joogaan isla markaana quluubtooda isu soo dumo .


 
Sheekh Qaasim Sheekh C/raxman oo ah Saxibul Waqtiga xiligaan jooga Booski uu Baneeyay Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman ee ah Maqaamki Sheekheena Weyn Sheekh C/raxman Bin Sheekh Cumar, ayaa waxa uu duco iyo tusaaleen ujeediyay dhamaan Dadweynihi kazoo qeybgalay Siyaaradaan oo dhamaa cel celis 20.000 oo qofood isla markaana alle ka dalbaday in danbi dhaaf ku siiyo dalka masiibada ku habsatay ee soomaaliya isagoo hoosta ka xariiqay in waxa dhacayo ay yihiin wixi aan kasabanay oo alle nagu abaal mariyay isla markaana alle ka tuugay in intaa noogu hakiyo isla markaana noogu badalo maslaxo caam ah oo dalka iyo dadka oo dhan saameeso.

 


Dhanka kale Naa’ibul Caamka Dariiqada Qaadariyah Sheekh Maxamed Xasan, Sheekheena Sheekh Axmed Sheekh Sheekh Maxamed (Gabale), Xaaji Xuseen Sheekh Maxamed Faqay Yuusuf, Shariifkeena Badaa Qaliifa oo ah Faraca Shariif Calawi, iyo dhamaan masha’iqda kasoo qeybgashay oo aan halkaan lagu soo koobi Karin ayaa si guud danbi dhaaf alle uga bariday in uu siiyo Muslimiinta caalamka meel kasto oo ay joogaan gaar ahaan dadka soomaaliyeed oo iyaga ah mida sida aadka ah umurjisay isla markaana hor seeday in kumanaan Dad ah  ay ku baaba’ayn dagaalada dhaxdooda ah halka kuwa kale ay ku le’daan badaha iyagoo qaarna ay magan galyo ku joogaan dalal shisheeye oo reer galbeed ah halka kuwa kale baahi iyo macluul iyo Xarig ku heesato qaar ka mid ah Xabsiyada Aduunka gaar ahaan Dalalka Deriska ah  iyadoo caasimadiina tahay meel nafta lagu aamini Karin ayoo markale shariif bada’a qaliifa Alle uga baryay iyo Rasuulkiisa in gar gaar deg deg ah siiyaan dadka soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamu islaamka.

Sheekh Axmed Gabale ayaa sidoo kale Umada faray in ay isasaamaxaan si looga baxo masiibada ku habsatay dalka Soomaaliya taa oo ku macneeyay in ay farahooda ku kasbadeen isla markaan isagoo hadlaayo yiri “ Maxalka Maxalu Qabuul waaye, Waqtigana Waqti Qabuul Waaye , Anagana Ahlu Qabuul Allaah Naga Dhigo taa oo dadkii Dhamaa Sacbaha Wada hoorsadeen iyagoo leh Aaaaamiiiin.”

Waxa sidoo kale wacdi iyo Ijaasada Dariiqada Qaadiriya ka bixiyay Qudubka Dariiqada Qaadiriya Soomaaliya Asayid Sheekh Axmed Sheekh Aweys Sheekh Muxyiidin Sheekh Aweys Axmed Alqaadiriyi isagoo sidoo kale duca qaas ah uduceeyay Arlu Soomaal in ilaahey ka dhig Mid Amaan ah isagoo dhanka kale ahlu dariiqa oo dhana Eebe ka baryay in kor ka dhigo .
 
Waxa gabagabadii Dhafarka Siyaaraadka Masha’iqda Fasax caam ah dadka Siiyay  Saxibul Waqtiga Reer Sh: C/raxman Ow Cumar isagoo  cid walibana faray wixi muraad ah oo ay leheed in Alle uga baryeeynaa in uu aqblo Owliyada Ilahey fadligooda qaasatan sheekheena SH: C/raxman ow Cumar ayoo sii raaciyay sheikh Qaasim Sheekh Cabdi.

 


 
Xarun diimeedkaan Warsheekh ayaa waxa uu yahay mid ku Fac weyn Fidinta Diinka Islaamka iyadoo Ay talaamidia kazoo hana qaaday xarumahan ay Mudarasiin ka yihiin Daafaha Caalamka iyagoo si weyna loogu xushmeeyo Culuumta  Kala gedisan ee Diinta Islaamka isla markaana ay soo wada xaadiraan kulamada Nuucaan oo kale ah 


 
  
Culimada ka soo qeyb gashay siyaarada ayaa waxa ka mid ahaa: 
 
1 SH: AX'ED SH: MAX'ED XASAN (GABALE)
2 SH: AX'ED SH: AWEYS SH: MUXIDIN SH: AWEYS ALQAADIRI (SAAXIBUL SIJAAJATUL QAADIRIYA )
3 SHEEKH MAXAMED XASAN (NA’IBUL CAAMKA DARIIQA QADARIYAH)
4 XAAJI XUSEEN SHEEKH MAXAMED (FAQA YUUSUF)
5 ASAYID SHARIIF BADAA QALIIFA 
6 SH: C/MAN SH: CADE SH: IKER SH: MAX'ED SH: SUUFI
7 SHARIIF C/RAXMAN ALMARKIYI
8 SH: MAX'UD CALI (WACEYS)
9 SH: AXMED BARRE
10 SH: MUUSE MARACADE
11 SHARIF AXMED SHARIIF ABA NUUR
12 REER SHIIKH AXMED XAAJI CABDI
13 REER SHEEKH CALI CILMI YARE
14 REER SHIIKHAAL LOOBOGE
IYO
Masha'iq kale oo fara badan oo inta aan lagu soo koobi karin iyada oo qaban qaabada siyaarada lahaayeen dhamaan (Owlaada Reer Shiikh C/raxman Sh Cumar Al Celiyi Alqaadiri Al Warshiishiikhiyi)

W/D: Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Webmaster Shabakada Warsheekh
E-mail:
farxad95@hotmail.com Ama webmaster@warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip