(Abaaraha) Hooyo Dusha Kusida Canug Meyd Ah

0
Saturday July 16, 2011 - 13:46:20 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 868
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (Abaaraha) Hooyo Dusha Kusida Canug Meyd Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa wili xaalad bani aadamnimo kataagan tahay xarumaha ay kusugan yihiin dadka kasoo barakacay abaaraha xoogani ee kudhugtay guud ahaan dhulka dadka soomaalida degaan.

Wararki ugu dambeeyay ee naga soo gaaray xarumaha dadka barakacayaasha kaga sugan yihin magaalada muqdisho gaar ahaan Degmada Dharkeynley ayaa waxa ay sheegayaan in wili ay kajirto halkaasi macluul xoogan oo heesata dadka danyarta ah ee iyaga magaalada muqdisho soo maciin biday.

Dadkaani oo wili baahidooda aan la daboolin ayaa hadana waxa usii wehliyo raxmada alle oo si isdaba joog ah ugu da’eeso magaalada muqdisho taasi oo sii balaarisay baahida dadkaan uqabeen daryeel deg deg ah.
Waxa jiro Hay’ado samafal iyo qeybaha Bulshada oo si iskood ah isugu xilsaaray ugar gaarida dadkaani hasa yeeshee waxa wili muuqato in aysan dadkaan helin doorki loo baahnaa.

Mar aanu maalinti shalay booqanay xaruntaani oo ah tan ugu weyn marka loo eego xarumaha ay kujiraan dadka abaaraha kasoo barkacay ayaa waxa indhaheenu qabteen xooga gurmad ah oo dadkaani usameyneesay Hay’ad samafal oo kasocotay Dalka Qadar taasi oo raashin ceeriin ah halkaasi kaqeybineesay.

Arinta layaabkka leh dadka oo dhanina ee la anfariireen ayaa aheed kadib marki hooyo dusha kusiday laba canug oo mid kamid ah geeriyooday hasa yeeshee iyada aaminsaneed in canugeedi nool yahay.

Hooyadaani ayaa waxa ay katimid sida ay inoo sheegtay gobolada dalka waxa ayna iyada iyo caruurteeda muqdisho uyimideen sida gacan gar gaar ay uga heli laheed umada soomaaliyeed waxa ayna maanka kuheesay iney arki doonto canugeeda oo socod hela.
Ma ahan mid qura dhacdooyinka argagaxa leh ee xiligaan kataagan xarumaha dadka soo barakacay ee magaalada Muqdisho waxana jiro tiro hooyooyin iyana caruurtoodi kuwaaya maalin walba macluusha kajirta halkaan.

Hooyo isniino oo kamid ah haweynka kunool Xero kutaalo Saliga Mareykanka ee Degmada Wadajir ayaa shabakada Warsheekh usheegtay iney halkaasi kuheesato dhibaato xoogan kadib marki sadex caruur ah oo ay halkaa latimid laba kamid ah ay ku geeriyoodeen goobta isla markaana ayba xata ku adkaatay iney aasto. Waxa ayna gurmad bani aadamnimo weydiisatay umada Soomaaliyeed iyo Guud ahaan hay’adaha samafalka ee daryeela Hooyada iyo dhalaanka.

Dhanka kale waxa si xoogan guda iyo dibadba uga socda abaabulada xoogan ee dadkaan lagu gar gaarayo hasa yeeshe xaalka ayaa ah hadi aysan howlaha socda aan halkaaa laga sii balaaran in qasaaruhi inta kasii badanayo kuna fidayo deegaano hada ka taya roon goobaha abaaruhu halakeeyeen.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip