Alshabaab oo Mamnuucday Sameynta iyo Cunida Sanbuus Soomaaliga.

0
Tuesday July 26, 2011 - 10:59:03 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alshabaab oo Mamnuucday Sameynta iyo Cunida Sanbuus Soomaaliga.

    Kooxda Alshabaab oo looga martay Soo saarida Amarada wax lagu mamnuuco ayaa waxa markale soo saareen warar la xiriiro isticmaalka Bac qafiifta iyo Cunida iyo sameenta Sabuus soomalaiga ee sadexda gees leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Alshabaab oo looga martay Soo saarida Amarada wax lagu mamnuuco ayaa waxa markale soo saareen warar la xiriiro isticmaalka Bac qafiifta iyo Cunida iyo sameenta Sabuus soomalaiga ee sadexda gees leh.
Alshabaab ayaa dhawaan amarkani soo saartay iyadoo aad loogu bayaaniyay inaan la sameyn Karin sanbuus soomaliga oo sida caadada ah bisha ramadaan inta badan guryaha soomaaliga lagu sameesto waxa ayna taasi ku macneeyeen inuu u eg yahay Astaanta Sumada Gaalada ee Karishtaanka.

Dadka soomaaliyeed ayaa arintaanu u arkay mid layaab leh hasa yeeshe xaalka dadkani kunool yihiin oo ah Lajiifiya Banaan Lajoojiya Banaan ayaa waxa ay ka dhigeesa iney uhogaansamaan hadba amarada uga yimaado maamulada ka taliya deegaanada ay kunool yihiin.

Kooxda Alshabaab ayaa iyada caan ku ah soo saarida amaro tira badan oo ay kamid yihiin

1. Qadashada Iskaalshada ee Dumarka
2. Garka oo la dhaafo iyo shaaribka oo lajaro
3. Surwalaka raga oo lagaabiyo
4. Goonada Dumarka oo la dheereeyo ila dhulka ay jiido
5. Gaariga oo aan la isla raacin
6. Heesaha oo aan la dhageesan
7. Gabar iyo wiil iney wada istaagaan
8. Cilaan saarashada Haweynka
9. Xirashada Funaanadaha Isboortiga
10. Ciyaaraha iyo Daawashadeeda
11. Cunida Qaadka , Tubaakada iyo Cabida Sigaarka
12. Jabinta iyo faagida Qabuuraha Dadka Magaca kulahaa Bulshada
13. Kuxirashada salada cod La’aan
14. Joojinta Qunuudka Salaada Dhaxdeeda
15. Ducada Salaada Kadib
16. Iyo Amaro kale oo fara badan


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip