Shirka Wadatashiga Muqdisho Iyo Waxa umadda ka Sugeyso. (Faallo)

0
Tuesday September 06, 2011 - 11:27:02 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Wadatashiga Muqdisho Iyo Waxa umadda ka Sugeyso. (Faallo)

    Umadda Soomaaliyeed oo muddo 21 sano ah ku sugnaay fowdo siyaasadeed iyo qax joogta ah islamarkaasna aan helin dowlad sal adag ayaa xiligaan isu diyaarineysa iney dib ugasoo kabto bur burkaas baahsan iyadoo rejooyinka ugu fiican ey ka dhalatay guulah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Umadda Soomaaliyeed oo muddo 21 sano ah ku sugnaay fowdo siyaasadeed iyo qax joogta ah islamarkaasna aan helin dowlad sal adag ayaa xiligaan isu diyaarineysa iney dib ugasoo kabto bur burkaas baahsan iyadoo rejooyinka ugu fiican ey ka dhalatay guulaha siyaasadeed iyo melateri oo ey ku tilaabsatay dowladda soomaaliya kadib markii ey si buuxda ula wareegatay caasimadda soomaaliya kadib 21 sano oo ey kala qeybsaneed.
Haddaba si wadanku uu u helo dibu dhis weyn waxaa lagama maarmaan ah in wadanka laga saaro xiligaan kumeel gaarkaa loona helo dowlad leh sifa dowladnimo oo buuxda.

Waxaana wax lagu farxa ah in dowladda sheekh shariif ey ku guuleysatay markii ugu horeeyay muddo 21 sano ah in wadanka gudihiisa shirweyn oo siyaasadeed lagu qabto.

Haddaba maxaa laga sugaayaa in uu kasoo boxo shirkaan maxaasa khatara ah oo ka hor imaan kara?

Runtii guula waaweyn ayaa laga dhowrayaa iney kasoo baxaan shirkaan oo ey ugu weyntahay arimahaan:-

1-In la diyaariyobarnaamaiaj cad oo looga gudbo xiligaan ku meel gaarka ah lana ansixiyo distuurka qaran kadib markii la hubiyo in uu waafaqsanyahya diinta iyo danta qaranka.

2-In la xulo baarlamaan yar oo taya leh oo aqoonyahan u badan oo ey qaadi karto soomaaliya waxtarna ah.

3-In baarlamaankaas lagusoo xulo hab cadaaladu ku jirto oo waafaqsan distuurka qaranka lagana fogaado sed bursi iyadoo la raacikaro habka 4.5 ka amaba gobolada dalka in lagu saleeyo laakin waxaan marna suurta gal eheyn in gobolada qaarka hadda dhisan la tixgeliyo kuwa aan weli dhisneyn oo shabaabku heystaanna aan xaqooda la siin ,taas oo aan umadda somalaiyeed marna mareyn dowladduna eysan ogolaankaarin.

4-In meel loogasoo wada jeesto dhameestirka nabadda wadanka iyo in dowladdu gacanta ku dhigto dhamaan wadanka oo dhan lagana ilaaliyo in kooxo diineed amaba qabiil ey dib wadanka u qasaan.

5- In aan marnaba la aqbalin in caasimadda soomaaliya ee muqdisho dib loo xaqiro taasoo socotay lagasoo bilaabo 1960 kii oo tuulooyinkii la siiyay xubno aad u fara badan Muqdishana la siiyay 2 xubnood kaliya si looga hortago umadda degaan in ey helaan xaqooda, welina waa lala dabajoogaa dulmigaas iyo xaqirraaddaas iyadoo mar marsiimo laga dhiganaayo in xeer gaara loo sameeyo maadaama ey caasimad tahay oo loo simanyahay si dib looga qaado xuquuqdeeda lagana dhigo magaalo aan dadka degan eysan wax xuquuq siyaasadeeda leheyn.

6-In loo howl galo dhismaha maamul guboleedyo ku dhisan habka federaalka ah oo 2-dii gobol ee diris ahaba ey isku biiraan dhistaanna maamul goboleed balaaran oo ka kooban baarlamaan goboleed,madaxweyne,iyo xogayayaal fulineed laakin waa in siyaasadda difaaca iyo arimaha dibaddaba loo daayaa dowladda dhexe oo aan marnaba dowlad goboleedyadu faragelin, waana in 4ta -bilood ee ka harsan sanadkaan dowladdu ku dhameestirtaa ku baahinta nabadgelyada dhamaan gobolada aan gacanteeda ku jirin iyo dhismaha maamuladaasba ilaa bartamaha sanadka 2012.

7--In gobolada soomaalaiya leesu raac raaciyo sidey isugu dhawyihiin iyadoo 2-dii gobolba ey dhisankaraan maamul federaal ah sida distuurka ku qeexan leesuna raac raacinkaro sidaan.

(SOOL iyo SANAAG) (GAROOWE IYO BARI) (MUDUG IYO GAL GUUDUUD) (HIIRAAN IYO SHABEELADA DHEXE) (BANAADIR IYO SHABEELADA HOOSE) (BAY IYO BAKOOL) (JUBBADA HOOSE ,DHEXE IYO GEDO)

Haddaba waa in dowladdu gacan ku siisaa in deegaanadaas deg deg loo dhisaa maamulkooda loona dhiibaa dad aqoon durugsan leh oo wadanka dibu dhiskiisa soo de degiya.

8-- In la ilaaliyo caddaaladda iyo xaqsoorka 7-daas maamul oo isu dheeli tiran si simanna loogu qeybiyo xubnaha baarlamaanka intii doorasho xura wadanka laga gaaraayo, hasa yeeshee caasimadda muqdisho la siiyo inta la siiyo 2.gobol xisaabtood maadaama ey tahay caasimadadii soomaaliya mana ahan in laga hoosmariyo tuulooyin aan ciduna ku nooleyn sidii dhacday 60-maadkii ee ceebta eheed.
9-- In shacabka muqdisho ey magaaladooda deg deg isbedel uga sameeyaan kunasoo laabtaan kuna dadaalaan nadaafaddeeda iyo bilicdeeda marnabana eysan aqbalin in isbaaro iyo nabadgelya xumo danbe in dad aan rabin iney muqdisho degto ey ka sameeyaan baalsa gacan bira lagu qabto maxkamadda ciidamaduna ey dadaalkeedaa nabadda xamar ey sii xoojiso.

Waa in laga fogaadaa in khilaaf cusub laga abuuro shirkaan wada tashiga lagu sheegay marnana aan laga aqbalin kooxda caalami ku sheegga iney dib qas iyo jihawareer uga abuurto soomaaliya.

Waa in dowladdu ka shaqeysaa in doorasho madax banaan ey dhacdo bartamaha sanadka danbe wadankana la mideeyo inta aan sanadkaanuba dhamaanin si loosoo dhiso dowlad rasmiya umadduna u doorato madax qaran oo ey ku xulatay waxqabad iyo karti iyadoo madaxda qaranka ee iminka jirtaa ey magac iyo maamuus ka dhaxli doonaan waxqabadka iyo samatabixinta ey u sameeyeen umaddooda eyna umaddu ugu amaal gudi doonto iney dib u doortaan waasa haddey tusiyaan umadda waxqabad dhab ah siina wadaan guulaha siyaasadeed iyo nabadgelyo ee ey bilaabeen iskana ilaaliyaan khilaaf danbe.

Ilaahey ayaan weydiisaneynaa inuu wadankeenna noo hagaajiyo dowladnimo suganna na ssiiyo aamiin.

Waxaa diyaariyay walaakiin Cali Maxamuud Xasan Sh.Cali Wajiis.

Fadlan wixii ku derid ah kusoo dir caliwajiis@hotmail.com
Amaba telka ah 00966564710343.KSA.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip