R/W Gaas; "Uma Dulqaadaneyno Cid Nabada Qalqal Ku Ah"

0
Tuesday September 20, 2011 - 09:34:20 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/W Gaas; "Uma Dulqaadaneyno Cid Nabada Qalqal Ku Ah"

    R/wasaaraha Xukuumadda KMG ee Soomaaliya Dr C/wali Max'ed Cali Gaas oo magaalada Toronto waraysi ku siiyay wargeyska Globe and Mail ayaa sheegay in xubno ka tirsan Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab oo uu taleefoonka kula hadlay ay diyaar u yihii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

R/wasaaraha Xukuumadda KMG ee Soomaaliya Dr C/wali Max'ed Cali Gaas oo magaalada Toronto waraysi ku siiyay wargeyska Globe and Mail ayaa sheegay in xubno ka tirsan Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab oo uu taleefoonka kula hadlay ay diyaar u yihiin inay hubka dhigaan oo ay dawlada wada hadalo la yeeshaan.
R/wasaaruhu waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in dawladiisu xooga saarayso xal u helida mushkilada ka taagan dalka waxaana uu xusay inay dhinacooda soo dhaweynayaan dhinacyada ka soo horjeeda haddii ay nabadda ogoladaan.

R/wasaare C/wali ayaa tilmaamay inuu dhawaan qadka taleefoonka uu kula hadlay xubno ka tirsan hogaanka Al-Shabab isla markaana ay u sheegeen inay diyaar u yihiin inay dawlada la hadlaan oo ay hubka dhigaan taasoo muujinaysa buu yiri inay willi jiraan yididiilo nabadeed oo Soomaaliya ka soo socota.

"Labo wado mid ayaan sameyn doonaa waa mida kowade inaan samayno dabacsanaan nabadeed iyo inaan qaadno olole lagu cirib tirayo haraaga Al-Shabab dabcan waxay u baahan yihiin inay hubka dhigaan intaysan noo imaan ka hor” ayuu yiri R/wasaarahu.

C/wali Max’ed Cali R/wasaaraha Xukuumadda KMG waxaa uu sidoo kale waraysigiisa uu siiyay wargeyska Globe and Mail uu ku tilmaamay inaysan marnaba u dul qaadan doonin cidd kasta oo isku dayda inay qal qal galiso amaanka dalka isla markaana dadka argagax ku abuurta sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka Kale R/wasaaraha oo ka jawabayay su’aal ku sabsanayn tayada ciidamada dawlada ayaa waxaa uu xusay inay u baahan yihiin tababarayaal qubaro ah oo tababaro dheexaad ah siisa ciidamada dawlada KMG gaar ahaan Booliska iyo Militry-ga.

"Midawga Yurub horey waxay noogu tababareen cutubyo ciidamo ah waxaase u baahanahay hadda waxay tahay inaan helno tababarayaal gudaha tababaro noogu sameeya” ayuu yiri R/wasaaruhu waxaana uu ka dalbaday wadamada Maraykanka, Ingiriiska iyo Canada inay door muhiim ah ka qaataan tababarida ciidamada Soomaaliya.

Waa markii labaad oo R/wasaaruhu uu ka dhawaajiyo inay jiraan xubno Shababka tirsan oo wada hadalo dawlada la galaya hase ahaatee willi ma jiro wax war ah oo dhanka Shabab ka soo baxay




W/D: Abdi Shiine Moalin
E-mail: shiine173@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip