"Dhacdo Ugub ah", Askari ka tirsan Dowladda oo maanta lagu dhex dilay gaadiidka dadweynaha ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho

0
Saturday February 15, 2014 - 14:33:42 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dhacdo Ugub ah", Askari ka tirsan Dowladda oo maanta lagu dhex dilay gaadiidka dadweynaha ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho

    Askari ka tirsan Ciidanka Militariga ee Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxaa maanta lagu dhex dilay gawaarida dadweynaha ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askari ka tirsan Ciidanka Militariga ee Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxaa maanta lagu dhex dilay gawaarida dadweynaha ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho.
Askariga la dilay, ayaa wuxuu gaari hoomeey ah uu ka soo raacay Isgoyska Fagax ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo uu gaarigaasi uu ku sii jeeday xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa.

Gaarigaan, ayaa waxaa la socday laba nin oo dhalinyaro ahaa, kuna hubeysnaa laba bistoolado, waxayna askariga rasaas kaga dhufteen madaxa, xilli uu gaarigu ka gudbay Isgoyska Ex Control Balcad ee Degmada Heliwaa.

Ciidamada Dowladda ee ka hawlgala Ex Control Balcad, ayaa rasaas xoogan oodda kaga qaaday gaarigaasi, xilli ay ka deggayeen labadii nin ee dilka geysatay, horeyna u sii qaatay qori AK47 ahaa, oo uu marxuumku watay.

Ciidamada Dowladda maysan soo qaban labada nin ee dilka geystay, ka gadaal markii ay ku dhex carareen wadooyinka gaagaaban ee ku yaala xaafadaha Degmada Heliwaa.

Arrintaan, ayaa waxay noqoneysaa mid ugub ah oo markii ugu horeysay ka dhacdo Magaalada Muqdisho, iyadoo aan Shabaabka looga baran in ay Ciidanka Dowladdu ku dhex ugaarsadaan gaadiidka dadweynaha.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip