Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Capt. Paddy Ankunka ayaa ka hadlay howlgalada ay ka wadaan magaalada Muqdisho, cabadda kahortaagan inay awoodooda ku ballaariyaan dhammaanba magaalada Muqdisho iyo arrimo kale oo ku saabsan qorshahooda mustaqbalka dhow iyo midka fogba.
Isagoo ka hadlayay caqabada kahortaagan inay gacanta ku dhigaan magaalada Muqdisho oo dhowan, waxa uu sheegay afhayeenka AMISOM in goobaha ay ka baxeen Shabaab ay iyagu la wareegeen, hase yeeshee waxa uu sheegay inay jiraan caqabado kahortaagan sidii ay awoodooda u ballaarin lahaayeen.
"Magaalada Muqdisho 95% gacanta Dowladda iyo AMISOM ayay ku jirtaa, hadda ciidamada aan heysano oo ah 9-Kun Askari waxay ku filan yihiin inay sugaan amniga magaalada Muqdisho gaar ahaan meelaha ay ka baxeen kooxda Shabaab" ayuu yiri Capt. Paddy Ankunka.
Dhinaca kale Afhayeenka AMISOM waxa uu sheegay inay dhowaan soo gaarayaan ilaa saddex kun Askari oo uu sheegay inay kaamil noqoneyso tiradii ay u baahnaayeen, wuxuuna tilmaamay in xilliyada dhow ay si buuxda ula wareegi doonaan ammaanka magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in awoodii ururka Al-Shabaab ay dhabarka ka jebiyeen wuxuuna ku hanjabay in gobolada dalka ay ku baacsan doonaan.
Paddy Akunda Oo ka Hadlay Caqabadaha Hortaagan In ay Is Balaariyaan
Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Capt. Paddy Ankunka ayaa ka hadlay howlgalada ay ka wadaan magaalada Muqdisho, cabadda kahortaagan inay awoodooda ku ballaariyaan dhammaanba magaalada Muqdisho iyo arrimo kale oo ku saabsa