Marka aan eegno inta meelood ee Soomaaliya iskugu tagtay iyagoo ka hadlaya arimaha danta shacabka Soomaaliyeed, illaa hadda lama hayo meel looga had layey qadiyey soomaaliyeed amase wax qabadka shacabka Soomaaliyeed. Nasiib daro intaas shir dhacayey ee lagu qabtay dibadda
Soomaaliya waxaa hogaanka uhayey dad lawato arimo khaas ahna ufulinayey dad yoow kale oo danta shacabka iyo midnimada qaran lid ku ah, doonayeyna in aan Soomaali Dowlad marnaba aysan noqon amase udhalan.
Kuwa xukun doonka ah ee majara habaabinaya in xal Soomaaliyeed lagu gaari karo in la siiyo 275 xildhibaan, kadibna iyagoo xildhibaano ah ay siyaasadda halkay doonaan ujiheeyaan, taas anigu waxaan u'arkaa siyaasad cusub ee fashilantay wax ka soo qaadna aysanbajirin.
Sababta aan uleyahay waxaa weeyaan sidatan:
1.Xildhibaanada 275 la leeyahay waan doonaynaa horta xaggee ka socdaan, yeeyse matalaan, awoodse wax lagu siiyo amase wax lagu gor gor tamo ragu ma heesaan.
2.Wadaadada waxaa dhextiilay khilaaf dhexdooda ah, oo waliba xagga hoggaanka ah iyadoo xal loo helin khilaafkooda hal garab oo xukun doon ah umaleen mayo in ay iyaga laftigooda ay matali karaan shacabka Soomaaliyeed.
3.Dadka horboodaya siyaasadda Soomaaliyeed in yar maahane iyaga iyo caruurtooda waxay ku naash naashoodaan dibadaha, si aad wax unoqotaan horta dhulka Soomaaliyeed ha ka cararinee waa deegaan kiiniiye bal ku soo noqda oo soo daga si la idiin arko in aad tihiin kuwa jira taageerana ka hela ummadda Soomaaliyeed.
4.Itoobiyaa nagu soo duushay wadankay qabsanaysaa waa in aan ka saarnaa ayaan isku raacnay oo ku hesheenay wacadna ku marnay in aan Dowladdaan marnaba aanu la heshiin amaxaarada wadanka soo gelisay, waxaad shacabka usheegi jirteen iyo maanta waa kaaf iyo kala dheeri.
5.Kuwana in la yiraahdo waa argagixiso ku wana yiraahdaan jagooyin hanalasiiyo oo waliba ahlu diin ah, waa waxaan isoo marin abaidkeey.
6.Itoobiya yeeysan bixin inta ciidan loo soo dirayo Soomaaliya, waxaan ka codsanaynaa in ay noojoogto.
Waxa aad ka xoreenaysaan wadanka iyo waxa aad leedihiin yeysan naga tagin anigu magaran laakiin shacabka Soomaaliyeed ayaa kala saari doona.
Marka aan soo af jaro fikradaydaan waxaan lee yahay inta ay Soomaali sii kala tagin raggu ha is dabo qabto, xukuna Illaah ayaa bixiya Allana ha lootoobadkeeno si aan uhelno Qaran soomaaliyeed.
Qore Cabdi Cali
MAXAA LAGA FAA’IIDAY SHIRKII LAGU QABTAY WADANKA JABUUTI (FAALO-AQRISTE)!!!
Umadda soomaaliyeed waxa ay ogyihiin in xalintooda khilaafaadka aysan marnaba aan lagu xalin karin dibadda amase wadamada dariskooda oo ay ka dhaxeeso colaad iyo isnaceyb soo jireen ah oo illaa imanka aan looba heyn wax daawo ah in Soomaalinimada la