Hogaanka Sare ee Ahlusunah Oo kulan laqaatay RW, Sanawi
- Visits: 729
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Mas'uuliyiinta ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa dowladda Itoobiya kala hadlay adkeynta ammaanka deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada Hiiraan iyo Galguduud oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay guddoomiyeyaasha golaha fulinta iyo midka talada ee Ahlusunna oo uu wehliyo guddoomiyahooda guud, waxaana kulanka looga hadlay sidii ay Itoobiya qayb uga qaadan lahayd adkeynta ammaanka.
"Waxaa dhawaan safar ugu kicitimay dalka Itoobiya mas'uuliyiin ka tirsan Ahlusunna waxayna saraakiisha dowladda aan saaxiibka nahay kala hadlayeen adkeynta ammanka," ayuu saxaafadda u sheegay maanta afhayeen u hadlay Ahlusunna.
Afhayeenku wuxuu sheegay in shirka oo ka dhacay Addis Ababa looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa sugidda ammaanka gobollada Galguduud iyo Hiiraan, isagoo xusay in dhawaan ay Ahlusunna qaadi doonto weerarro ka dhan ah Xarakada Al-shabaab.
Maamulka cusub ee Ahlusunna ayaa waxay tani u noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay safar noocan oo kale ah u aadaan dalka Itoobiya, iyadoo kooxdan ay qaybo ka tirsan gobollada Galguduud iyo Hiiraan ka taliso, halkaasoo ay kula dagaalamaan Xarakada Al-shabaab oo iyaduna qaybo ka tirsan gobolladan ka talisa.
Dhanka kale, afhayeenka u hadlay Ahlusunna ayaa sheegay in dowladda KMG ah uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan, balse loo baahan yahay inay ku wargeliso maamulka haddii ay imaanayaan deegaannada ay ka taliyaan.
"Xukuumadda Soomaaliya waxay ka talisaa dalka oo dhan, balse waxaa loo baahan yahay inay hagaajiso xiriirka ay la leedahay maamullada dalka ka jira," ayuu yiri mas'uulka u hadlay Ahlusunna Waljamaaca.
Mas'uulkan ayaa muujiyay in xiriirka dowladda KMG ah iyo Ahlusunna uu mugdi ku jiro inkastoo uusan si cad carrabka ugu dhufan, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo Ahlusunna ay dhaliilo ka tabato dowladda KMG ah.
Hogaanka Sare ee Ahlusunah Oo kulan laqaatay RW, Sanawi
Mas'uuliyiinta ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa dowladda Itoobiya kala hadlay adkeynta ammaanka deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada Hiiraan iyo Galguduud oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya.