Xasan Dahir"Axmed Madoobe Kenya Dantaada ma Waddo'

0
Thursday October 27, 2011 - 17:37:08 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Dahir"Axmed Madoobe Kenya Dantaada ma Waddo'

    Xasan Daahir Aweys Oo ah Xubinn katirsan alshabaab oo la hadlayay Dadweyne ay meel fagaare ah ay iskugu keeneen si ay u sameeyaan Dibad bax ka dhan ah Soo Gelitanka alshabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Daahir Aweys Oo ah Xubinn katirsan alshabaab oo la hadlayay Dadweyne ay meel fagaare ah ay iskugu keeneen si ay u sameeyaan Dibad bax ka dhan ah Soo Gelitanka alshabaab
Waxa uu ka hadlay Sheekh Xasan Daahir ujeedada ka dambeysay soo gelitaanka ciidamada Itoobiya, isagoona ku tilmaamay inuu yahay mid ay ku dooneyso inay dhul ka mid ah Soomaaliya ku darsato, taasi oo uu sheegay in dowladaha deriska ah ay wadeen qorsheyaal socday muddo fog marba xilli ay soo if baxayeen.

"Axmed Madoobe waxaan leeyahay Kenya dantaada ma waddo ee waxay rabtaa inay Jubooyinka ku darsato dalkeeda" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo ku booriyay Axmed Madoobe inuu ka fiirsado taageerada ciidamada Dowladda Kenya, wuxuuna Sheekh Xasan Daahir caddeeyay in dowladaha deriska la ah Soomaaliya ay doonayaan inay dalka Soomaaliya kala qeyb qeybiyaan si qeyb kastaba wadan deris ah u xukumo.

Dadweynaha isugu soo baxay dibadbaxyada oo ay ka muuqatay inaysan la dhacsaneyn khudbadda iyo ujeedada isu soo bixitaanka maleeshiyada ururka Al-Shabaab uu ku khasbay ayaa dhageysanayay, iyadoo xilliyada qaarkood horjoogayaasha Shabaab ay dadweynaha ku khasbayeen inay takbiirta qaadaan.

"Axmed Madoobow Kenya dantaada ma waddo, qolada magaca xun leh ee Azaaniya Yahuud ayay wakiil uga yihiin Soomaaliya" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo khudbadiisa laga dareemayay caro xoog leh, wuxuuna Prof. Gaandiga Guddoomiyaha ka ah ururka Azaaniya ku tilmaamay inuu yahay shaqsi had iyo goor Soomaalida ku tilmaama inay Yahuud ka soo jeedaan.

Sheekh Xasan Daahir ayaa u sheegay dadweynihii dibadbaxyada sameynayay inay fardul ceyn ku tahay dagaal ay kala soo horjeestaan ciidamada Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo uu sheegay in ujeedadoodu tahay sidii dalka looga saari lahaa kooxaha Islaamiyiinta ah oo uu ula jeedo ururka Shabaab
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip