Nolosha Oo Kusoo Noqotay W/Muqdisho,(Daawo Suuq Bacaad)

0
Friday October 28, 2011 - 15:19:24 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 8358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nolosha Oo Kusoo Noqotay W/Muqdisho,(Daawo Suuq Bacaad)

    Waa markale iyo xubinteeni maalin walba oo jimco ah aan kusoo qaadan jirnay muuqaaladi udambeeyay ee xaafadaha muqdisho kuwaasi oo dagaaladi udambeeyay kadib ee dadki halkaa degnaa dib noloshooda uga bilaabeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa markale iyo xubinteeni maalin walba oo jimco ah aan kusoo qaadan jirnay muuqaaladi udambeeyay ee xaafadaha muqdisho kuwaasi oo dagaaladi udambeeyay kadib ee dadki halkaa degnaa dib noloshooda uga bilaabeen. Qormadeena maanta oo xiiso gaar ah wadata ayaa gabi ahaanteed waxa kaga dheehan doontaan muuqaalada Suuqa labaad ee ugu weyn Konfurta Soomaaliya ee Suuq bacaad oo markale umuuqanaya inuu kaalintiisi hogaaneed ciyaarayo.

Sawirada maanta ayaa waxa soo gudbintooda gacan kageestay mahadi haka gaartee Bahda Shabakada Warsheekh ee magaalada muqdisho, waana hadiyad ugaar ah aqrtistayaasha warsheekh oo maalin walba oo jimco ah naga suga maqaaladaan xusuusta iyo qiirada leh ee Muuqaalka Muqdisho Dagaaladi foosha Xumaa kadib.

Halkaan Hoose Kadaawo

http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Bur-Muqdisho-6%20(1).JPG
Goobtani waa Biibitada Qanciye, Xarunti Taksida Suuqbacaad, iyo waliba halka looga leexo suuqda Waqda ee Suuqbacaad, waxana idinka muuqdo sida ay dadka usoo camirayaan gudaha suuqa
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Bur-Muqdisho-6%20(2).JPG
Garaashka Sheekh Cali Kobaweyne, waana wadada kowaad ee Suuq Bacaad laga gala waxana si aad ahusoo camiray gawaarida xamuulka oo qeybna wax dajineyso qeybna daabuleyso
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/Bur-Muqdisho-6%20(3).JPG
Bartamaha Suuq Bacaad oo ay si aad ah usoo camireen dadweynihi soomaaliyeed
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Bur-Muqdisho-6%20(4).JPG
Bidix Xarunti Nation Link Suuq Bacaad, Midig Xarumaha Shirkadaha Xawaalada, Ex-Dalsan, Mustaqbal
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Bur-Muqdisho-6%20(5).JPG
Bidix, xarunta Shirkada Dahabshiil, Midig Xarunta Jubba Airways, iyo Shirkado Tira badan oo ganacsi, Waxana dhabarka kuhaya Xarumihi Shirkada Olybig iyo Amal ee xawaaladaha.
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Bur-Muqdisho-6%20(6).JPG
Bidix Ex-Farmashigi Reer Ciise Kirish ee Carafaad , iminkana waa mid kamid ah maqaayadaha ugu caansan suuqa oo dhalinyarada kuqaxweeyaan, midig dhismihi Daarta Olybig oo kuwada yaalo Wadada kowaad ee Cali caarif
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Bur-Muqdisho-6%20(7).JPG
Bidix, Daarta Ganacsade Daahir Sheekh Cumar, waxana hortiina kasii muuqdo daarti reer Wiif waana wadada labaad ee Cali Caarif oo aan filayo in badan oo idinka mid ah iney aad ugaran doonaan.
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Bur-Muqdisho-6%20(8).JPG
http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/Bur-Muqdisho-6%20(9).JPG
Midig, Bakhaarki hore ee Gini, Bidix , Guriga reer cilmi Shiikhow iyo daarti Reer Wiif.

Dhamaad

Qeybihi Kudhafay Halkaas Hoose Ka Aqri:

Qeybta 1,aad ee Bur Burka Degmooyinka Muqdisho

Qeybta 2,aad ee Bur Burka Degmooyinka Muqdisho
Qeybta 3,aad ee Bur Burka Degmooyinka Muqdisho
Qeybta 4,aad ee Bur Burka Degmooyinka Muqdisho
Qeybta 5,aad ee Bur Burka Degmooyinka Muqdisho

Xuquuqda Qoraalka iyo Sawirada waxa ay udhoorantahay Xafiiska Warsheekh ee Muqdisho amar la'aana mala daabacan karo.

Fadlan wixi Dhaliil ama Toosin ku aadan qormadaan inoogu soo hagaaji

E-Mail: qubanaha@hotmail.com
Warsheekh-Mogadisho Somalia.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip